Sign in to follow this  
Wiilo

Ileyn Afrikaan Madowoow Faa'iido Malihid!!

Recommended Posts

Wiilo   

[ Hadalkuba hiil buu galaaye maxaa aamusiyey dowlad ku sheegtii BEYDHABA?]

 

Waxaa Qortay;Ikraam Cali-kaar

Gothenburg- Sweden

ikraam@journalist.com

 

 

Layaab iguma ahan Soomaalida qaxootiga ku ah Koonfur Afrika ee maalin walba midba mar la gorwacanayo cid ka hadashaa oo tiraahdaa dadkani waa bani'aadam mudan xaquuqda insaanka leeyahay ee sidan yaan loola dhaqmin. Balse waxaa la yaab igu ah in dad sheegta siyaasiin iyo madax dooneysa iney Soomaaliya masiirkeeda ka taliyaan hadana aaney jirin maalin qura ruux kamid ah shaqsiyaadkaasi oo aan dhibka ummadda heysa ka hadlin, hadey hadlaana ee ay ka hadlaan siddii ceyshkooda bisil u sii cuni lahaayeen.

 

Intaan la gaarin dalalka fog ee qaaradaha adduunka shacaka soomaaliyeedna ku dhibaateysan yihiin, dowlad ku sheegta BEYDHABA Tigreega ugu taliyo maalin qura maxey ugu hadli weysay dadka masaakiinta ee webiyada ku soo fataheen, halka ciidamada Tigreega ee cisbitaalada beydhabo kaneeco xun looga daryeelayo. Dowladaasi meyey ilowsan tahay shacabka dhibkaasi heysto kuwey dooneyso iney hogaankooda qabato. Mise shacabkaa waxba ogeynoo musiibooyinkii ku habsaday hadaaney ugu soo gurman dowladaasi maxey tahay waxey ka doonayaan iney u qabato dowlad lafaheediiba u dhiban.

 

Bal shacabyahow gareyso oo eegg dowladaasi dhibaatooyinka heysata ee xallin karin weysay.

 

*Aqoonsi caalami ah oo ay heysato ma jirto, marka laga reebo in maamulka Tigreega ay aqoonsan tahay.

*Awoodoodi oo aan dhaafin JOWHAR iyo BEYDHABO oo hada ku tahay go'oon, hadeyse tahay dowlad awood leh maxey u tegi weysay Hargeysa,Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee lamidka ah.

*Shaqsiyaadka dowladaasi oo noloshiidaba halis tahay.

*Wasiirada oo aan heysan xafiisyo ay ku howlgalaan iyagoo dhamaantood daadsan kabarada ay jaadka ku ruugaan.

*Xorriyad xitaa fikirkooda ku dhiiban karaan oo aysan heysan wasiiro ku sheegtaasi.

Dowlad ku nool tuugsiga hey'adaha caalamiga ah ee shilimaadka bixiya.

*Baddi iyo berrigii oo ay raali ka noqotay dowladaasi in la sumeeyo si ummadda ka badbaaday dabanidooda ay ku dhamaadaan.

*Diintii Illaahey oo ku noqdeen cadowga koowaad, iyagoo aysan ku jirin mid sameeya waxyaabihii Illaahey faray.

*Mas'uulkii ugu sareeyey oo diyaaraddii uu raaci lahaa horteeeda lugu dilay shacab masaakiin ah meydkeediina uu ka taliibsaday wax ka badan ee laga sugayo maxey tahay masuul qabiileedkaasi afkuu kala furo dhibaato mooyaane aan ummadda isku keenin.

*Intaas iyo in ka badan oo aan qoraal lugu sheegi karin iyadoo ay jiraan ayaa hadana shacabkaasi mudan yihiin iney isweydiiyaan waxyaabaha aan kor ku soo xusay dadka leh waxa ay ka sugayaan maxey tahay?.

 

Dhibaatooyinka qurbaha muwaadinka soomaaliyeed ee sharafta leh caalamka dacaladiisa kala duwan ku heysata ma jirto maalin qura cid isweydiisay, waxaaba qaarkood dhacday iney lacago uga qaataan sidii dib loo soo celin lahaa. Mushkiladaha ugu weyn ee soomaalida heysato ayaa ah mid maanta ku heysata Koonfur oo damiirku diidayo intaan la gaarin kuwii kale ee ku silicsanaa Yurubta iyo Dunida inteeda kale.

 

Waxaa muuqata dadkaasi aan u doodayo ineysan laheyn dowlad, dabcan "DOWLADI" maba jirtee yaa xaqa ay mudan yihiin u soo celiya kaasoo ah mida qaxootinimo.

 

Soomaaliya waxey aheyd dowlad kamid ah dowladaha xorta ah ee Afrika gacan weyn ka geystay siddii dalkaasi midabtakoorka ka jira, iyadoo taasina uu qirtay madaxweynihii hore ee Nilson Mandela.

 

Hadaba waxaan fariin u dirayaa walaalahey Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, waxaan leeyahay walaalayaal Illaahey mooye cid idiin maqan ma jirto, mana muuqata mustaqbalka dhow iney xitaa iman karto cid dhibka idiin heysta ka hadasha iska daa iney wax ka qabatee, sidaas daraadeed waxaan idiin farayaa Samirkii Eebbaheen Quraankiisa daahirka ah noogu sheegay. Waxaad ogaataan iney iman doonto ayaan aad ka sheekeysaan dhibkii idiin soomaray, balse inta taasi ka imaneyso dowlad caadil ahina ay soo baxeyso waxaa laga maarmaan ah inaad ku dhaqaaqdaan siddii aad xaquuqdiina u soo dhacsan laheydeen, iskuna difaaci laheydeen iyadoo arrinta ”difaaca canil nafs” oo ah in qofka naftiisa difaacdo ay waajib tahay ayaa hadana idiin leeyahay ogaada, ”Dal aadan laheyn waa Dareen ku joog” Annaguna hadaan nahay ummadda Soomaaliyeed waan idiin soo ducenynaa in dhibka idiin heysta idiin ka qaado idiina soo dirro Malaa’ik idiin kaalmeyso.

 

Waxaanse qoraalkeygan waanada iyo guugaabada ah ku soo koobaya, ”Hadalkuba hiil buu galaaye maxaa dowlad ku sheegtiii BEYDHABA ku dhacay oo aamusiyey? Mise waxey awooda dowladaasi hanjabaadaha Tigree injirta ku dhamaatay ee ku wajahan dalka iyo dadka iney tiraahdo ”NABI BAABAH”? Dabcan waa awooda keliya ee ay leedahay, iyadoo weliba la ilaaweyn in awooda meleteri ee Tigreega injira badan ka wado gudaha Soomaaliya, ”(difaacista dowladaasi taagta darran). Adduunyada lama maqal lamana arag dowlad la leeyahay dadkeeda laga difaaciyaa iyada ka hor.

 

Waxaa Qortay;Ikraam Cali-kaar

Gothenburg- Sweden

ikraam@journalist.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalid2   

Wallaal wiilo waad ku mahad santahay curiskaaga laakiin Discrimintion ayey leedahay in midab wax laga sheego laakiin waxaad ku sexsantahay in siaad ah u qeexdey profilka dowladaan milas/geedi oo ay tahay dowlad aan garowsanin xushmada shacab keeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Sxb waa ku fahmay, balse sida uu qoraalka aad ku aragto aniga ma'aanan qorid, balse waan ku raacsanahay dhammaan aragtida qoraha. Meeshu dowladi ma jirto waxaa isku uruursaday Warlords iyo ku 17th hundred jaamacado oga soo baxay sida xoolaha oo daawaysto iyo iwm.

 

 

Go figure:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

At least qalbi nadiif ah ayay qabtaa gabadha unlike dadka cudurka qabiilka ah uu hayo...

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Oh so she attacks the TFG from a nationalistic point of view. Nothing to do with the fact that she is from the Clan Courts support base..Oh thats can not be right?

 

The Clan Court supporters usually atack Tigray "Amaharo" Ethiopia as a whole. But she went even further and attacked the whole, "Black" African's blaming them for the failures of the Clan Courts..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Sxb can you tell me waxa adiga aa qaylisiinaayo? Dadku waa qorax waxay doonaanna way ka sheegitaa dowlad isku sheega baydhabo joogta, haddii aad marka adigu leedahay yaanan wax laga sheegin then let me tall you something, raga baydhabo fadhiyo waa bunch of warlords qofkastaana oo soomaali ah ayaa wax ka sheegaayo, so please, don't try in aad dadka caburiso....

 

 

Go figure:............

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Oh my, nothing personal my sister. I welcome any critic specially sisters. However the article is a terrible one, its very emotive and seems to have been rushed.

 

I wish the author takes more time and draws an accurate picture of whats wrong with the TFG, its faults and so on.

 

The last comment was just a response to what you wrotte...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this