Sign in to follow this  
Som@li

Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey Heshiiska Badda

Recommended Posts

Som@li   

xil1.JPG

 

SomaliTalk.com | August 1, 2009

 

Kulankii baarlamaanka waxaa soo xaadiray 347 xildhibaan..

 

Saddexda qodob ee loo codeeyey:

 

IN LA DIIDO IS-AFGARADKII: In Is-afgaradkii Xukuumaddu la soo gashay Dawladda Kenya in la diido oo arrintaas laga dhigo waxba kama jiraan, oo la yiraahdo xukuumada is afgaradkii aad keenteen baarlamaanku waa diidey.. oo Heshiiskii xukuumaddu keenta in gebigiisba la diido.. (waxaa u codeeyey: 334 xildhibaan oo diidey heshiiskii is afgarad).

IN DIB LOO DHIGO: In dooda dib loo dhigo oo loo yeero wasiirkii heshiiska soo galay oo marka wasiirkii yimaado laga wada hadlo, oo la arko waxa wasiirku ku difaacayo oo kaddib go'aan arrintaas laga gaaro.. (waxaa u codeeyey: 9 xildhibaan).

IN GUDDI LOO SAARO: In Guddi loo saaro oo ay guddigaasi la kulmaan wasiirka, xukuumada, khubaro iyo ciddii ay doonaan oo ay taas baarlamaanka kusoo celiyaan, kaddibna go'aan laga gaaro.. (waxaa u codeeyey: 4 xildhibaan).

 

Here

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Weligoodba waxmatareyaashii Beeldhibaannada ahaa maantay dad iska dhigeen...waxaadse ogaataan inuusan Qanyare khayr lahayn oo isaga wax si uu u mucaarado ay u daran tahay haddaan laga qayb gelin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this