Sign in to follow this  
Dhubad.

Dilalka macnaha lahayn oo ku soo badanaya Bay Bakool

Recommended Posts

Dhubad.   

BUUR-HAKABA: Dhaqtarkii Isbitaalka Degmada Buur-hakaba iyo ruux kale oo maanta lagu dilay Gobolka Bay

Posted to the Web Aug 04, 20:26

 

Buur-hakaba (PP) - Dhaqtarkii Isbitaalka weyn ee degmdaa Buur-hakaba Dr. Aweys Ciise iyo ruux kale oo ganacsade ah maanta si kala goon-gooni loogu kala dilay Degmada Buur-hakaba gudaheeda iyo deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Gedo.

 

Dhaqtarka oo la socday gaari nooca yaryar ah ayaa l sheegay inay kooxo burcad ah rasaas la beegsadeen gaarigii u saarnaa sidaasna ay rasaastu ku haleeshay Dr. Aweys Ciise oo la sheegay in isagoo dhaawac ah loola soo cararay gudaha Degmada Baydhaba balse uu ku qudhbacay mid ka mid ah goobaha Caafimaadka ee Degmada Baydhabo.

 

Dr. Aweys ayaa caawa waxaa uu yaallaa Isbitaalka weyn ee Degmada Baydhabo isgaoo mayd ah, waxaana lgau sheegay dilkiisa inuu ahaa mid aano qabiil ah oo soo jitamayay, waxaana dilkiisa uu dhacay 5:30 galabnimo ee maanta.

 

Sidoo kale nin ganacsade ah oo aan magaciisa si dhab ah u hayn ayaa la sheegay in daqiiqado yar kaddib lagu dilay isla gudaha Magaalada Baydhabo, iyadoo lagu sheegay dilkaas ganacsaduhuna inuu ahaa mid ku dhacay qaab aano qabiil ah.

 

Dhacdooyinkaan ayaa waxay yihiin kuwo ku cusub Gobolka kaddib tan iyo intii ay amaanka Gobolka Bay ay si toos ah ula wareegeen Cidammada Dowladda Federaalka Soomaaliay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this