Sign in to follow this  
Kamaavi

Khilaafkii ciidamada Jubooyinka oo xal laga gaarey

Recommended Posts

Kamaavi   

Dambeyntii DKMG ah ayaa ka noqotey go’aan ay ku dooneysey in ay Xamar ku geeysey ciidamo Jubooyinka laga soo qorey oo Kenya tabobar ugu dhamaaday

 

Wasiirka Gaashaandhiga DKMG ah Cabdalla Boos ayaa laanta Af Soomaaliga ee VOA u sheegey in ciidamadaasi ay ka howlagli doonaan Jubooyinka, aysan jirin wax khilaaf ah oo arrintaasi ka taagan.

 

Arrintani ayaa waxay timid kadib markii madaxweynaha Kenya uu diidey codsi kaga yimid Shariif Sh. Axmed, Madaxweyneaha dowlada kumeel gaar ah oo ahaa in ciidamadaasi Xamar la geeyo halkii ay Jubooyinka ka howlgali lahaayeen, arrintaasi waxaa ka dhashay guux weyn iyadoo dhamaan dadka arrintani u ololeeya ay kazoo horjeedsadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Kamavi ku gartey! :D:D

 

Sxb in badan baa isbedeley. Before I only opposed it because Sharif did. But now I see that if we capture the Jubbooyin, this will put pressure on Shabaab as they will be forced to fight on 2 fronts. Ma garatey ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Cause the natives are ready to get their land from Bilanden's servant. Moqadisho is puzzle for the world while Jubaland is a headache for its local inhabitants. Simple as that, is it not?

 

Hatu none of what you said is clear enough,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Ferguson you're only gonna get me to say what I want in private, NEVER in public. I've got more sense than that :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The source sxb.

 

eliciting from the hassle and bassle took place there previously I think until we are reaching to have a capable and competent goverment al-shabaab must be idyll to stay there

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay sheegtay in Dowladda Kenya kala kaashaneyso dagaalada Jubooyinka

 

Dowladd Kenya ayaa ogolaatay qorshe dagaal oo ay dowladda soomaaliya ku dooneyso in ciidamada Kenya ay ka qeyb galaan dagaal lagu xoreynayo Gobollada Jubooyinka oo ay hada maamulaan Al-Shabaab.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha C/rashiid Maxamed Xidig oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu heshiis kula soo saxiixday sariisha dalkaasi Kenya kaasoo ku aadan sidii Kenya ay uga qeyb gali laheyd dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

 

"Heshiis is afgarad ah ayaan la soo saxiixday dowlada Kenya, heshiiskaasi waxaa qeyb ka ah in dowlada Kenya ay gacan naga siiso dagaal aan ku dooneyno in aan ku xoreyno gobollada Jubooyinka oo ay hada maamulaan kooxda Shabaab" ayuu yiri Xidig.

 

Ma uusan sheegin habka ay Kenya uga qeyb galayso dagaalkaasi oo dhagaha shacabka wax badan ku soo noq noqday, balse warar hoose ayaa sheegaya in Kenya ay uga qeyb gali rabto hab farsamo iyo hab milatari intaba.

 

C/rashiid Xidig ayaa beeniyay inuu is qab qabsi ka jiro habka maamulida Ciidamo ay tababartay Kenya, kuwaasoo hada loo diyaarinayo in ay duulaan ka soo qaadaan dhinaca Xuduuda.

 

Mar uu ka hadlay qorshaha dagaal ee ay wado dowladda ayaa waxaa uu sheegay in arrintaas diyaarinteeda ay isla wadaan wasaaradaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, waxaana uu carabka ku dhiftay in abaabulka ay wadaan uu hada gabo gabo ku dhow yahay.

 

Dowladda ayaa wax badan ku soo cel celisay dagaal ka dhan ah kooxaha mucaaradka, balse wali lama hayo xog rasmi ah goorta ay dagaalka qaadeyso, dagaalkaasi oo lagu tirinayo mid kala bax ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this