Sign in to follow this  
Jumatatu

Support for Mogadishu Agreement..!

Recommended Posts

Jumatatu   

95 Xildhibaan oo taageeray go’aankii wasiirada & xildhibaanada beelaha USC ay Nairobi ka soo saareen(Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Nairobi)

 

Xildhibaano ka soo kala jeeda beelaha ****, **** & ****, *** & beesha 5-aad oo ay tiradoodu gaareyso 95 ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxeyna warsaxaafadeed xildhibaanadaasi ay soo saareen ay ku sheegeen in ay ku taageerayaan go’aankii ay Nairobi ka soo saareen xubnaha golaha wasiirada & baarlamaanka beelaha ****** ee ka koobnaa 49-ka xildhibaan, waxeyna sheegeen in xubnahaasi ay isku aragti ka yihiin arrimo badan oo ay ugu horeyso diidmada in ciidamada dowladaha safka hore ay ka mid noqdaan ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo, iyaga oo sheegay in aysan aqbali doonin hadalka xalay ka soo yeeray madaxweynaha Yugandha oo ah guddoomiyaha xilligan ee urur goboleedka IGAD, waxeyna hadalkaasi ku tilmaamay hadal lala soo de-degay oo aanan ku habooneyn in uu yiri madaxweyne, waxeyna sheegeen in arrinta Soomaaliya ay tahay mid u taala baarlamaanka, wixii baarlamaanku go’aan ku gaarana ay noqoneyso go’aanka lagu dhaqaaqayo.

 

Xildhibaanadan waxey sheegeen in ay soo dhoweynayaan ciidamo shisheeye oo dalka la geeyo balse ay diidan yihiin ciidamada dowladaha safka hore, waxeyna ku baaqeen in dowladaha Afrika aysan ku kaadsoomin arrimaha Soomaaliya.

 

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in baarlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya in la horgeeyo mooshinka ciidamada shisheeye si ay uga doodaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Dadweyne isugu soo baxay Kaaraan & X/weyne

 

Banaanbaxyo lagu taageerayo heshiiskii ay Nairobi ku saxiixeen xubnaha labada gole ee baarlamaanka & xukuumadda uga jira beelaha ****** oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho ayaa maanta ka kala dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada X/weyne & Garoonka Qoob-dooroee ku yaal isgoyska Kaaraan.

Tigree waaye cidda aan u jeedno anaga, waxaanna leenahay lafihiina & hilibkiina halkan ha keenina, haddii kale meeshiina naga jooga dad walaala Afrikaan ah oo is-jecel ayaan nahaye, haddii ay Itoobiyaan ka noqon waayaan damacooda shacabka waxaan u sheegayaa in ay qoryahooda sifeystaan†ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo sheegay in aysan aheyn arrin lagu farxo qaabka ay u dhaqmayaan mas’uuliyiinta sar-sare ee dowladda oo iyaga oo ay Soomaali u heelan tahay haddana door-bidaya in cadowga Soomaaliya in ay dalka ku soo hogaamiyaan, iyaga oo buu yiri eeganaya danahooda keliya balse aanan kala jecleyn maslaxada & danaha shacabka.

 

 

“Dagaa jihaad ah oo lagu Jana-galayo ayaa lagala hor-tegayaa Itoobiyaan-ka, halkaasna cashar baa lagu siinayaa oo waxaa dhici doonta ceesaantii mas & good madax shabeel leeftaa maleegeedii baa galay†ayuu yiri C/qaadir Firimbi oo sidoo kale sheegay in banaanbax kale oo weyn uu ka dhici doono degmada Madiina gaar ahaan farriisimada uu ka taliyo Cumar Filish.

 

 

“Waxaan diyaar u nahay in aan fulino heshiiskii ka koobnaa 29-ka qodob isla markaana aan ciidamadeena ka saarno magaalada Muqdisho oo aan geyno goobihii loogu talagalay, waana heshiis wax ku ool ah oo loo maarmi karo in ciidamo shisheeye dalka la keeno†ayuu yiri Ku-simaha Muuse Suudi ninka lagu magacaabo Cali Afrax Max’uud (Cali dalable) oo ka hadlayey banaanbax ay taageerayaasha Muuse Suudi isugu soo baxeen Garoonka Qoob-dooro ee isgoyska Kaaraan ilaa xarunta Muuse Suudi ee Mariinaayada

 

 

Tageero.gif

Tageero1.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Only 95 MP's....... the last time I checked the number of MP's were 275...

 

Sxb nimanka intii aan lagaarinba codayntii Baarlamanka ayay jabeen oo laga adkaaday... 95 kaliya haday saan qabaan out of 275, then what are waiting for - meesha waaba lagu kala baxayee.

 

Marka codaynta lagaarona kuwaanbaaba qaarkood xage aadi doona intay shaarka bedeshaan.. waa sugaynaa bal the Big Day!

 

It's shame thou at least they should have exaggerated and said 200 or so ... Niyad disasho camal NooooooooooooooooooooooooooH

Share this post


Link to post
Share on other sites

MAXAMED MAXAMUUD GUULEED GACMADHEERE: "Bulshada Gobolka Banaadir waxaan uga digayaa dhagarta ay la damacsan yihiin Rag 15 sano dhexdooda ka heshiin waayay "

 

Isniin, March 14, 2005(HOL)@20:30GMT: Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Daaqa Qaranka Md. Maxamed Sh. Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) oo u waramayay Idaacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu uga digayo Bulshada gobolka Banaadir waxa uu ugu yeeray dhagarta ay la damacsan yihiin rag 15 sano dhexdooda ka heshiin waayay.

 

"Bulshada Gobolka Banaadir waxaan uga digayaa dhagarta ay la damacsan yihiin rag 15 sano dhexdooda ka heshiin waayay"ayuu yiri Md. Gacma-Dheere. "Qolada heshiiska qabyada ah ku gaartay magaalada Nairobi nagama jecla maamul loo sameeyo gobolka Banaadir aniga, C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi"ayuu mar kale yiri Wasiirka oo nasiib darro ku tilmaamay in xiligan dadka gobolka Banaadir lagu Beer laxawsado Maamul baa la idiin sameynayaa, iyadoo ragga howshaas wada aysan heshiis ku ahayn waxa ay dadka u sheegayaan .

 

Md. Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere waxaa uu sheegay in haddii maamul loo sameynayo gobolka Banaadir uu sameyntiisa waajib ka saaran yahay dowladda Soomaaliyeed, mana qabo ayuu yiri maamul aysan horseed ka ahayn dowladda cusub in xiligan laga hirgelin karo gobolka Banaadir.

 

Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Daaqa Qaranka ee TFG-da Md. Maxamed Sh. Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) ayaa mar la weydiiyay sida uu u arkayo in ciidamo ka socda dowladaha safka hore ay yimaadaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku gaabsaday in go’aanka rasmiga ah laga sugayo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dhowaan arrintaas kulan ka yeelan doona.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Qorshel:

Only 95 MP's....... the last time I checked the number of MP's were 275

Sxb 95 + 49 the number that made the original declaration = 144. And I dont need to tell you the majority that is required to make a bill go through. Besides this sxb get through your head that this is a reconciliation transitional parliament hence its decisions must be over whelmingly consensus and reconciling. Especially in its initial stage.

It is no secret that there exists animosity and fearce rivalary in the TFG government at this point. Which will obviously as a result lead to its disintigration on the grounds that it is no more reconciling nor collective. Remember The government has to function in Somalia to actually exists. We are all waiting for that... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed we wait and see. The warlord and their media has to keep up the game, Hussein Aydeed is gone to the other side, Mohamed Dheere shows that external groups are against and remember the cabinet already passed the request for foreign troops.

 

So the parliment is left we are told conflicting numbers some say 70 MP's midnimo, then 100 in dayniile whats the real number?

 

I guess some will say what ever they like, remember Adow will win [he has Jama Ali Jama's support] and Abdiqasin can count on 200 MP's. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^ And you remember Morgan will recapture Kismayo along with the Puntland soldiers.

You sxb you are once again counting on individuals Aydiid and Dheere. And again also the parliament, if it will make easy for you even if the parliament approves Foreign troops we will not recognise it. How is that for you ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jumatatu:

even if the parliament approves Foreign troops we will not recognise it.

:D:D:D Naag fadhido lagdan la fududaa.

 

ANYWAYS, any attempt to reach peace in Muqdisho should be supported. The problem is they (the clan-affiliated members who signed the 'deal') made Qanyare 'shir-gudoon.' Meeshaas maa kheyr ka sugee? You're either a gullible optimist or you're blinded by ignorance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

At least you[Juma] are blunt regarding how you wont recognise the parliment as it would endanger your clan created heaven in Xamar. :D:D

 

We wait and see, dear Juma.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

At least you[Juma] are blunt regarding how you wont recognise the parliment as it would endanger your clan created heaven in Xamar.

And who is looking here to take his 'clan' to the promised land, tell me Duke.Ater all that is what narrows down to isnt it sxb? And you know wat, I cant wait to get it started.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ No not at all, my clan are just like any other clan. They must obey the law and must respect the rights of others, just like I expect from every other its really that simple.

 

The promised land for all of us is Somalia, we just have not figured it out yet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoggaamiyayaasha ****** Ruwaayad miyay shacabka u jilayaan?

 

Talaado, March 15, 2005(HOL) @18:00GMT: Asbuuc kama soo wareegan saxiixa Heshiiskii ay magaalada Nairobi ku gaareen Hogaamiyaayasha Muqdisho, waxaana durba la maqlayaa in mid ka mid ah Hoggaamiyayaashii bud-dhigayaasha u ahaa heshiiskii Maamul u sameynta iyo Nabadeynta Gobolka Banaadir uu leeyahay in arrinta maamul u sameynta Gobolka Banaadir loo wajaho qaab Qarameed, isla markaana aan qaab qabiil lagu dayin.

 

Inj. Xuseen Maxamed Caydiid oo ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana ka mid ah Hoggaamiyayaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho xoogga ku leh ayaa maanta mar uu la hadlayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomalaiga waxaa uu shaaca ka qaaday in isagu aanu qabin in arrinta xal ka gaarista Muqdisho ay tahay mid u baahan in qaab Qabiil wax looga qabto, wuxuuna meesha ka saaray is-xulufeysigii Hoggaamiyayaasha ****** ee iyagu 12-kii bishan saxiixay heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in ay Muqdisho maamul u sameynayaan, isla markaana ay maleeshiyooyinka geynayaan Xerooyin ka baxsan magaalada Muqdisho.

 

Xuseen Maxamed Caydiid waxaa uu sheegay in arrintaas aysan noqoneynin mid guuleysaneysa haddii qaab qabiil loo wajaho, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhowr jeer oo hore oo la isku dayay in maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir, kuwaasoo ay ku heshiin waayeen Hoggaamiyayaasha Hubeysan ee Muqdisho.

 

Hadalkii ka soo yeeray asbuucan bilowgiisii Hoggaamiyayaasha Muqdisho wuxuu ahaa mid rajo geliyay dadka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo qaati ka jooga ammaan darro sii baaheysa oo ka jirta gobolka, hayeeshee maanta ayay rajadaas nuqsaantay kadib markii uu Xuseen Caydiid oo saxiixayaasha heshiiskaas ka mid ahaa uu si kale u hadlay.

 

Xuseen Maxamed Caydiid, waxaa uu haatan ku sugan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoo ka mid ah wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Hadalkan uu maanta bixiyay Xuseen Caydiid iyo weliba in uu ka mid noqday wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo ay Hoggaamiyayaasha Muqdisho ka soo horjeedaan siyaasadahooda ayaa waxay sababi kartaa in ay sii kala fogaadaan Hoggaamiyayaasha Muqdisho oo awalba la sheegayay in aanu sidaasi u sii ridneyn heshiis sal adag leh oo dhermara.

 

Waxaa la hadal hayaa in arrinta ay wadeen Hoggaamiyayaasha Muqdisho uu kaalin weyn ku lahaa Xuseen Maxamed Caydiid, kaasi oo ah in uu isagu yeesho soo magacaabidda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho bacdamaa uu yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, inkastoo aanan la ogeyn in uu taasi u fasaxayo Axdi Qarameedka KMG ah iyo in kale.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

if it will make easy for you even if the parliament approves Foreign troops we will not recognise it.

LOOL, Juma again trying to be clever, Sxb who is to deny the decision of the Parliament? You Juma? Yeah then If it is you I have much more faith in you than those you support in Nairobi. I believe you can do that but not them not at all. Sxb, if they are able to deny anything they would have said No to the Presidency of Yey(coz he made thema bunch of pathetic sore losers), and then Ghedi came out of them all the Xamar Warlords put together and they couldn't do shit.. Now what do you think they can do anything apart from fake Heshiis and waiting for the Parliament decision.

 

Sxb be sensible and reasonable, these men have no power, nor do they have commonsense. Do u think they Love the law and respect the Parliament decisions, NO don't lie to yourself they are just hiding behind the parliament decision because they have no POWER at all, hiding behind Shirka labada GOLE ee beesha H, What is this if is not an excuse to escape from the reality.

 

Sxb Meeshan waa lagukala baxay, Maalinba nin ayay aduunyadan usaarantahay, maanta waa Abdulahi nimankaana tabar ay meesha kuhayaan majirto marka ha is wareerin bal aan sugno marka aduunyada wax isbadalaan hadana qofki soo baxa... But my simple adive to you is the Game is Over..simple as that

 

and As I said I have much more faith in you doing something than them.... from Now on all they could do is leave the government and go back to Mogadishu to get prepared for War iyo inay Hubkooda aruursadaan...Which is by the way a suicidal move from my point of view, you can have different view on this, think of waxa dowlada ay soo wadato..

 

Musa who, Yalaxow who???? or Was the other one Ato???? Qanyare knows his fate, he is aware of the situation, he hides behind and ka barakaystaa Shariikfa(Asharafta laga ag dhawada) and that's he has too much repect for the President.

 

Muse has no clue

Yalaxow: garkaa biyo la'aan looga xiiraayaa :D:D

 

Atto: waqtigii dhamaayooo waad dhigi doontaaa

 

Cheers

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Qorshel:

Atto: waqtigii dhamaayooo waad dhigi doontaaa
Cheers
[/b]

Loooooooooooool...!

 

Sxb I hope you remember the USC version of that song, it is being revived again thanx to Yeey...! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this