Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo maamulka Puntland ku dhaliilay in uu ka gaabiyay adkeynta amaanka Gobalada Puntland.Daawo Sawirada Booqashadii Madaxweynaha Exculisive

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo maanta gaaray magaalad Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyay xarunta baarlamanka Puntland,waxaana khudbadiisaasi uu inta badan kaga hadlay arrimaha amaanka ee gobalada Puntland oo baryihii u dambeeyay sii xumaanayay..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne C/llaahi Yusuf Axmed ..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne Cade Muuse Xirsi Boqor

 

Madaxweynaha ayaa ku canaantay maamulka Puntlnad ee uu hogaamiyo Cadde Muuse in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xaaladaha amaan darro ee dhawaanahan la dagay gobalada Puntland oo marka la bar bar dhigo Soomaaliya inteeda kale lagu amaani jiray amaanka laakin hada amaanku uu faraha ka baxay.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federalku aanay ogolaan kareyn amaan darrida ka jirta gobaladan oo uu eedeedana u xambariyay maamulka uu hogaamiyo cadde,waxaana uu maamulka ugu baaqay in uu la yimaado is badal dag dag ah oo xaga amaanka la xiriira.

 

Dhanka kale madaxweynaha Puntland General Cadde oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulkiisu uu qabtay intii karaankiisa ahayd hadana uu ku dadaalayo sidii xaalada amaanka dib gacanta loogu dhigi lahaa.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wali sii wada kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta maamulka Puntland ee uu ugu horeeyo Cadde muuse,iyadoona booqashada uu maanta ku tagay Garowe ay madaxweynaha Jamhuuriyada u tahay markii ugu horeysay muddo sanad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne C/Yuusuf oo ka dagay caasimadda P/land ee Garoowe

 

Garoowe, P/land, Somaliya (Calanka.com) 25-Luulyo-08

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaminayo ayaa maanta duhurkii ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntlnad.

 

Madaxweyne Yuusuf oo aan wali la shaacin ujeedka safarkiisa ayaa warar hoose sheegayaan in uu la xiriiro arrimaha amaanka, shidaal baarista iyo burcadbadeed maamulka Puntland.

 

Madxweynaha ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaa kusii sagootiyay xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo maamulka gobalka Banaadir.

 

Wafdiga madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland, iyagoou usoo gudbay xarunta madaxtooyada magaalada Garowe.

 

M/weynaha ayaa lagu wadaa inuu la hadlo Baarlamaanka P/land.

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dabshid:

JB, May he would get a better treatment,Red carpet, in Hargaisa, than Garowe.
:D

He will ,,, Hadii cumrigu ku simo there will be a day sidaas iyo si ka fiican loogu soo dhowayn doono Hargeisa and the news will go like this:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia c/lahi yusuf ayaa saaka ka soo degey garoonka caalamiga ah ee Hargeisa Airport si uu uga qayb galo shirka ururka midowga Africa ee berri ka furmaya magaalada Hargeisa. Madaxweynaha waxa garoonka ku soo dhaweeyay wasiirka duulista iyo hawada, wasiirka arimaha debedda iyo u qaabilsanaha arimaha Somalia ee Somaliland Mudane Jacaylbaro. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this