Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Isbarooyinka=Bad or Isbarooyinka=Fashion accessory and status symbol?

Recommended Posts

Isbaarooyinkii teedsanaa Muqdisho iyo Afgooye inta u dhaxeysa oo sii kordhaya ,Beesha ***** oo wax ka qaban la isbaarooyinka

Muqdisho

 

 

Saacadihii la soo dhaafay waxaa soo kordhayey tirada isbaarooyinka yaalla inta u dhaxeysa EX-kantarool Afgooye illaa iyo Siinka-dheer, waxaana shalay iyo dorraad halkaasi soo buuxiyay isbaarooyin cusub, kuwaasoo hadda caga-cageynaya ku dhawaad 15 isbaaro, iyadoo gaadiidka BL-ka ah ka qaadayey lacago fara badan, waxaana shalay lagu raacayey BL-ka caasiga ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye lacag u dhaxeysa 15 kun illaa 20 kun Shiling Somali, taasoo ay walaac weyn ka muujiyeen dadka isaga kala goosha waddadaasi.

 

 

Gudiga isbaara qaadka ayaa u caali la beesha Sacad iyo beesha Duduble oo ayagu wali ka maarmi la isbaarooyinka sharcidarada ah ee lagu baarto shacabka ku nool Muqdisho

 

 

Dhinaca kale maleeshiyooyinka fariisinkoodu yahay barta laga galo Afgooye, ayaa la sheegay in ay iyaguna madaxa soo daboosheen si aan loo garan, waxeyna baabuurta ka qaadayeen lacago leejo ah, horeyna uma sameyn jirin in ay madaxa soo xirtaan taasoo argagax galisay dadka safarka ah ee saaran BL-ka waddadaasi mareysa.

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaaradii todobaadkii hore laga qaaday maleeshiyooyin ay isku heyb yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha oo dib loogu soo celiyey goobtii laga qaaday

Muqdisho

 

 

Waxaa maanta mar kale dib loogu soo celiyey Isgoyska Waddada Aadan Cadde (Ex. Jid ********* ) Isbaaradii halkaasi u tiilay maleeshiyooyinka taageersan Wasiirka Arrimaha dibedda Eng. Xuseen Max'ed Ceydiid oo todobaadkii hore lagu guuleystay in goobtaasi laga kiciyo markii ay kulan yeesheen guddigii Isbaara qaadista ee ay magacaabeen xubnaha labada gole dowladda ee Muqdisho ku sugan & mas'uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga SNA

 

 

Tan iyo markii laga guuleystay in la qaado Isbaarooyinka u yaala waddada Bakaaraha maleeshiyooyinka taageersan Wasiirka Amniga Max'ed Qanyare & Isbaaradii Isgoyska H/wadaag u tiilay ciidamada midowga Maxkamadaha waxey baabuurta isaga gooshta waddada u dhexeysa No 4 ilaa Isgoyska Siinaay ay ku ekaayeen Isgoyska H/wadaag, waxaana markii la qaaday Isbaarada Aadan Cadde ay baabuurtu ka soo laabanayeen ilaa Isgoyska Siinaay, iyadoo maanta mar kale ay baabuurtu ku ekaayeen Isgoyska H.wadaag maadaama dib loo soo dhigay Jidgooyadan waddada Aadan Cadde.

 

 

Waxaa Qoray: Nasrudiin Ceydiid Salaad Dayniile,Muqdisho

 

Isbara1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaaradii Horey Looga Qaaday Wadada Aadan Cadde oo Maanta Markale Dib Loo soo celiyey.

Posted to the Web Jul 28, 19:42

 

 

Muqdisho:- Waxaa markale maanta dib loosoo celiyey Isbaaradii tiilay Isgoyska Aadan cadde ee wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho taasoo ay Fadhiyeen Ciidamo daacad u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha,Xuseen Maxamed Ceydiid,ahna R/wasaare ku xigeen,sida ay xaqiijiyeen gaadiidleyda BL-ka ah ee wadadaasi isaga kala gooshta.

 

Mid ka mid ah gaadiidleyda wadadaasi isticmaasha oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in maanta ay gaadiidka Bl-ka ah aysan isgoyska Aadan cadde isticmaaleynin ka dib markii ay dib usoo noqdeen maleeshiyooyinkii halkaasi horey looga kiciyey,waxaa uuna intaa ku daray in maanta halkii gaari oo BL-ah laga qaadayey Lacagta loo yaqaano Leejada oo gaareysa ilaa 40-kun oo shiling Soomaali ah,halka qaar ka mid ah gawaaridaasina la baaranayey Rakaabkii saarnaa.

 

Gaadiidka Koostarada ah ee ka dhex shaqeyn jiray isgoyska KM4- ilaa Siinaay ayaa maanta ku eg isgoyska H/wadaag oo ay haatan joogaan Maleeshiyooyin ka amarqaata maxkamadaha Islaamiga ah balse aanan wax lacag ah qaadaneynin,halka Caasiyada isaga kala goosha Sanca,Kaaraan ilaa Suuqa weyn ee bakaarahana ay Isticmaalayaan Wadooyin xaafadaha Dhexdooda mara si aysan u marin Isgoyska Aadan cadde oo Isbaaradii horey looga qaaday mar kale dib loosoo celiyey.

 

Xubnaha labada gole Guddi ay u magacaabeen Howlaha Isbaaro qaadista ee Muqdisho ayaa horey ugu guuleystay in ay qaadaan Isbaarooyin Dhowr ah oo ay ka mid aheyd Isbaaradan hadda maanta dib loosoo dhigtay iyo kuwo kale oo iyagu kol horeba lasoo celiyey.

 

Dib usoo Noqoshada Isbaaradan ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa Xilli uu Habeen Hore Madaxweynaha Soomaaliyeed Mudane,C/laahi Yuusuf Axmed uu sheegay in qaabka Isbaaro qaadista ee ka cosota magaalada Muqdisho uu yahay qaab qaldan,isagoo taasina sabab uga dhigay hadii aan qofka maleeshiyada ah la meeleynin in uu Muddo 30-daqiiqa ah ka dib uu dib usoo noqonayo.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay maleeshiyooyinka Hubeysan ee muqdisho jooga in iyaga iyo hubkoodaba ay kusoo biiraan Ciidamada haatan laga ururinayo qaar ka mid ah Gobalada dalka,kuwaasoo la doonayo in ay noqdaan ciidamo qaran.

 

Dhinaca kale wadayaasha gaadiidka ee isticmaasha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ku tilmaamay talaabo hor u mar leh Howlgalkii uu shalay G/sare Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid kula wareegay Goobo aad ufara badan oo ay yiileen Jidgooyooyin Dhowr ah.

 

Gaashaanle sare Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa shalay ka fuliyey waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye howlgal waddadaasi lagaga sifeynayey maleeshiyooyinka ay waddadaasi u taal Isbaarooyinka oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey waddadaasi.

 

C/qeybdiid ayaa hor kacayey ciidamo isugu jira boolis iyo maleeshiyo waxeyna ku guuleysteen in ay waddadaasi ka qaadaan Isbaarooyin gaaraya ilaa 8 Jidgooyo, iyadoo 3 ka mid ah Isbaarooyinkaasi oo ay ku jiraan kuwa yaala Ex. Kontarool, Ex. xaruntii Asluubta meel ku dhow agagaarka calamada.

 

C/qeybdiid ayaa balan qaaday in ay iyaga mas’uuliyadooda qaadi doonaan wax alaale iyo wixii ka yimaada wadadaasi,islamarkaana aysan Isbaaro kale lasoo dhigi doonin kuwa haatan yaalana ay goor dhow ka dhameystiri doonaan.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

It just show how weak these so called men are. Abdiqasin "President" could not remove a single raodblock or open the sea and airport. The strong warlords are unable to travel to parts of their city. There is no reason to take these people seriously, they control only the few battle wagons and the fear inside the average Xamar inhabitant..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this