Sign in to follow this  
Maaddeey

Xalane: Qarax sababay geerida ciidamo AMISOM

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO

Dhaq dhaqaaqa Mujahidiinta Al Shabaab ayaa sheegay in qarax gaabta ka dhacay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdish oo fariisin u ah ciidamada AMISOM ay ku dileen saraakiil ka tirsan AMISOM iyadoo uu beeniyay Afhayeenka AMISOM.

 

Afhayeenka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’uud Raage oo la hadlay Saxaafada ayaa waxa uu sheegay in galabta casirkii ay gudaha dugsiga Tababarka Xalana ee Magaalada Muqdisho ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Midowga Africa kadib qarax uusan faah faahin xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ka fuliyeen dugsigii tababarka Xalane oo ah fariisinka ugu weyn ciidamada AMISOM

 

Sheekh Cali Dheere waxaa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob ku dhow bada islamarkaana ay ku damaashaadi jireen saraakiisha AMISOM isagoona intaasi raaciyay in qaraxa galabta uu ahaa mid guul u soo hoyay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

“Waxaan ugu bishaaraynaynaa umada Soomaaliyeed ee islaamka in galabta xarakada Al Shabaab qarax barakaysan oo ay ku baqtiyeen saraakiil ka tirsan AMISOM ay ka fuliyeen fariisinka ugu weyn AMISOM ee magaalada Muqdisho, waxaana dib ka soo sheegi doonaa qaabka qaraxa loo fuliyay iyo qasaaraga dhabta ah ee soo gaaray gaalada ku sugan Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Afhayeenka Al Shabaab.

 

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa Gaashaanle Bariijiya Bahuuku oo Shabelle la hadlay ayaa waxaa uu beeniyay in galabta qarax ay xarakada Al Sahbaab ay ku fuliyeen saraakiil ka tirsan AMISOM isagoo sheegay in Al Shabaab ay ku jiraan dagaal afka ah oo ay u adeegsanayaan dhinaca warbaahinta.

 

“kkkkk, Waxaan hadalkaasi ku tilmami karnaa waali, maxaa yeelay dadka sheegay in qarax ay ka fuliyeen xarunta Xalane waxaan dhihi karnaa waa dad marqaansan oo cunay qaadka loo yaqaan miirow,waana been abuur, mana jiraan wax weerar ah oo lala beegsaday xaruntaasi iyo wax qasaare ah oo soo gaaray ciidankeena”ayuu yiri Bahuuko.

 

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab waxaa uu digniin u diray wadamada Burundi iyo Uganda oo ciidamo ay ka joogaan gudaha wadanka Soomaaliya isagoona sheegay in hadii ay ka bixi waayaan gudaha dalka wadamadooda loogu celin doon Naxash islamarkaana loo barooran doono sida uu hadalka u dhigay.

 

Xariiro kala duwan oo aan la sameynay dadka ku dhaqan agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro qaraxa ay ka maqleen dhinaca xalane oo ah fariisinka ugu weyn ciidamada AMISOM.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^That is what some of you wanted, right?

 

Intee niri dagaal waa xunyee,nabad inoo daayya

Intee niri dal iinaan lahayn dawlad ku ahaada

 

Somalia is resovled to come back; it has refused to die a sheeps death; markay liicdaba rag baa alla u bixiyyaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

kkkkk, Waxaan hadalkaasi ku tilmami karnaa waali, maxaa yeelay dadka sheegay in qarax ay ka fuliyeen xarunta Xalane waxaan dhihi karnaa waa dad marqaansan oo cunay qaadka loo yaqaan miirow,waana been abuur, mana jiraan wax weerar ah oo lala beegsaday xaruntaasi iyo wax qasaare ah oo soo gaaray ciidankeena”ayuu yiri Bahuuko.

 

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab waxaa uu digniin u diray wadamada Burundi iyo Uganda oo ciidamo ay ka joogaan gudaha wadanka Soomaaliya isagoona sheegay in hadii ay ka bixi waayaan gudaha dalka wadamadooda loogu celin doon Naxash islamarkaana loo barooran doono sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

May Allah kill this filthy lying monkey Bahuuku..

It is certainly beyond any doubt that his forces were attacked inside their military base

and the mujahideen will soon rlease the details of this blessed operation insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Shaakir...waan sugeynaa warbixintaad ballan qaadday haddii kale sheekadu waa : waah waah waxaasaa qiiro aan jirin ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this