Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Former Udub Presidential Candidate Joins Kulmiye

Recommended Posts

Cabdilaahi Darawal oo maanta si rasmi ah gu biiray Kulmiye, Sheegayna in aan la dheyelsan UDUB

Written by Qaran News

Apr 20, 2010 at 09:04 AM

Hargaysa,(Qaran News)- Waxa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga Kulmiye siyaasiga C/laahi Xuseen Iimaan Darawal, oo ay ku weheliyeen 7 xubnood oo kale oo sheeganaayay isbadal doonka UDUB.

 

Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen nin mar maayar ka ahaan jiray magaalada Hargaysa, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere) iyo sidoo kale mudane Axmed Sandoon kana tirsanaan jiray Ururkii Hormood, ee hadhay kuna danbeeyay xisbiga UDUB, hadana ku soo biiray xisbiga Kulmiye.

 

 

Mudane C/laahi Darwal oo ahaa ninka ay xafladani maanta u dhacaysayna, ayaa goobtii ay xafladu ka dhacaysay oo ahayd Xarunta ganacsiga ee Kaah ka soo jeediyay qudubad aan sidaasi u sii dheerayn.

 

Mudane Darwal waxa uu digniin culus u soo jeediyay xisbiga Kulmiye, waxa aanu sheegay in aanay xisbiga Kulmiye dhayelsan xisbiga UDUB, oo ay yihiin kuwo aad u xoog badan, ay haboontahayna in aan xisbiga Kulmiye fududaysan xisbigaasi uu ka tirsanaan jiray ee UDUB oo uu ku tilmaamay kuwo aad iyo aad u awoodbadan.

 

 

Sidoo kale mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere) oo ahaan jiray duqii caasimada ee ka horeeyay maayarka hada jooga caasimada, isla markaana hore u ahaan jiray NSS, xiligii dawladii Somalia, ayaa isna halkaasi maanta ka soo jeediyay hadal kooban isaga oo sheegay in aanu hadalkiisu badanyn oo uu ahan jiray NSS, waxa aanu xisbiga Kulmiye kula dar daarmay in ayna nacin oo ayna aflagaadaynin cidii ahaan jirtay NSS, maadaama oo uu maanta isaguba ku soo biiray.

 

 

Xafladani oo aad ay uga soo qayb galeen tageerayaasha xisbiga Kulmiye oo uu ay hogaaminayeen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo mudane Muse Biixi Cabdi, iyo dhamaan madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga Kulmiye.

 

Xafladani ayaa u soo gabo gaboowday jawi aad u degan manay jirin wax carqalad iyo dhib ah oo ka dhashay xafladaasi maanta

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Garabka isbeddel Doonka Xisbiga udub oo manta si Rasmi ah ugu Biiraya Kulmiye.

 

 

Garabka isbedel doonka xisbiga udub oo iyagu ka mid ah Masuuliyiint Xisbiga udub oo ay ku jiraan Aasaayaashii xisbiga udub...

 

Hargeisa (GNS)-Garabka is bahaysiga isbeddel doonka xisbiga udub ayaa maanta la filayaa inay si rasmi ah ugu digo rogtaan xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye, Sida uu noo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Garabka isbeddel doonka ah ee Xisbiga udub Axmed Sandoon Xasan, Saaka ayaa lagu wadaa in Xisbiga kulmiye ku qaabilo soo dhawayntooda .

 

Waxa ay wararka na soo gaadhayaa sheegayaan ilaa imika in xisbiga kulmiye oo ku soo dhawayn doono qaabilaad aanay u kala hadhin masuuliyiin iyo xubno-ba

 

Garabka isbedel doonka xisbiga udub oo iyagu ka mid ah Masuuliyiint Xisbiga udub oo ay ku jiraan Aasaayaashii xisbiga udub hase yeeshee uu khilaaf wayni soo kala dhex galay iyaga iyo Madaxwayne riyaale, markii ay qaarkood ku dhawaaqeen inay u Tartamayaan jagada madaxtinimo ee Xisbiga udub Dhexdiisa, Arintaana uu ka diiday Madaxwayne Rayaale, iyada oo qaarkood laga hor istaagay shirwaynihii Xisbiga udub uu ku dooranayay musharixiinta uga qayb galay Tartanka Doorashada madaxtinimo.

Xubnaha Garabka isbedel Doonka Xisbiga udub waxaa ka mid ah:

C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal)

Axmed Sandoon Xasan

Ismaaciil Aadan Xuseen (Ismaaciil yare)

Iyo Qaar kale oo badan

 

Warkaasi oo Faahfaasan waxaad kala socon doontaa Shabakada Wararka ee Gabiley News iyo wararkayaga Danbe.

 

Siciid Khadar C/laahi

Gabiley News Reporter

Hargeisa/Somaliland

muxaafid@gmail.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

Published: 2010-04-20

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The leftovers of UDUB joining kulmiye? i though kulmiye would bring in new fresh politicians but they rather bring in rejected politicians and leftovers of UDUB.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well technically Drewal is a well respected Politician, and always wanted the best thing for somaliland but Udub And riyaale never gave him a chance to change things with in udub, kulmiye is an option. I wonder why no one joins Ucid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaji,Xundjuf, how is it different from the former minister Saleebaan weyne oo yidhi Berigaan wasiirka ahaa been baan sheegii jiray, oo waxaan odhan jiray warshaddo badan ayaan la dhisi doonaa, who later joined UCID, while Kulmiye did the samething inviting ismaicil yare which has zero political influence and his corrupt just like salebaan wayne, and Darawal who is just a former SNM soldier, but has riyaales pictures in his house everywhere and has still love for UDUB, but it's up to kulmiye if they think the leftovers and rejected 1's of UDUB will give them any credits.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sacad *Ducaale:

Xaji,Xundjuf, how is it different from the former minister Saleebaan weyne oo yidhi Berigaan wasiirka ahaa been baan sheegii jiray, oo waxaan odhan jiray warshaddo badan ayaan la dhisi doonaa, who later joined UCID, while Kulmiye did the samething inviting ismaicil yare which has zero political influence and his corrupt just like salebaan wayne, and Darawal who is just a former SNM soldier, but has riyaales pictures in his house everywhere and has still love for UDUB, but it's up kulmiye if they think the leftovers and rejected 1's of UDUB will give them any credits.

qofkasta oo rabba inu wax badalo its good ha ku soo biiro but They will never bey heavy weights in the xisbi but we will just see where it takes selebaanku wa run nin Akfisa ereyo khaldani ka so bexeen weye

As for drewal he is a good guy if he had riyaales pictures in his house there is nothing wrong with that, but that was before he was Humiliated in his home town Hargeisa, He wants change now and lets see dont forget these guys are garabka is beddel doon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

and Darawal who is just a former SNM soldier,

Very unfortunate that the veteran liberators are refered to as Just Soldiers.

As for Ismail yare he is a free citizen and it would be violation of Kulmiye membership clause to selectively barn him from being a member.

 

The other argument of Udub Rejecters is nothing more than the usual mudsliding propagandas by the (untruthfull dummie Brains)UDUB. Infdact the Change seekers are the ones that Rejected the UDUB agenda of stiffling change and democracy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Juma-nne, whats wrong with saying Darawal was a SNM soldier ma been ba? he was a soldier but not high ranking officer/soldiers such as Muj. Axmed Dhagax AUN, Muj. Lixle AUN, Muj.Koodbhuur AUN, Muj.M.Kahiin, Muj.Axmed Miire, Muj.Maxamed Cali AUN, Muj. Muj.Maxamed Siciid Nuur, Muj.Haragwaffi AUN , Muj.Xassan Bidaar, Muj. Xassan Kayd AUN, Muj.Xassan Cisse, etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this