Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Parliament Speaker Calls For Puntland Unity

Recommended Posts

Cowke   

gudoomiyaha-300x222.jpg

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo Shacabka Puntland ugu baaqay midnimo

 

(Garowe) RBC: Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdi rashiid Maxamed Xirse ayaa ugu yeeray shacabka Puntland in ay midoobaan waxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in ay ku dadaalan midnimo iyo iyo walaatinimo.

 

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland waxa uu sheegay in ay jiraan waxyaaba badan oo lid ku ah amniga balsa loo baahan yahay in la iska kaashado asagoo sheegay in muhiim ay tahay xili kasta in laga shaqeeyo amniga iyo kala danbaynta.

 

Cabdi rashiid ayaa si kulul u weeraray kooxaha gaysta waxyaabaha lidka ku ah amniga waxuuna ku tilmaamay tilaabooyinka ay qaadaan mid ka fog diinta islaamka inkastoo sida uu tilmaamay ay diin sheegtaan hadana waxa uu sheegay in ay tilaabadaa tahay mid dadka muslimiinta lugu khaldayo waa sida uu hadlka u dhigay.

 

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland ayaa ugu baaqay cidkasta oo Puntland ka soo jeeda iyo dadka la nool in ay ku dadaalaan sidii nabadgalyada loo wada ilaalin laha loogana hortagi lahaa dadka cadaysta in amniga wax u dhimaan.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dowladu la dagaalami doonto cid kasta oo loo arko in Puntland duulaan ku tahay waxuuna sheegay in gacamaha aysan Xukuumada ka laaban doonin dadka doonaya in ay wax u dhimaan jiritaanka Puntland oo uu sheegay in judi badan lugu bixiyay aas aaskeedii.

 

Cabdi Rashiida ayaa intaa sii raaciyay in loo baaahn yahay in dhamaan umadda Soomaaliyed ilaah isku soo dhaweeyo kana saaro dhibaatada ay ku jiraan asagoo sheegay in Puntland ka xun tahay dagaalada dadka masaakiinta ku dhamaanyaan ee ka socda Goblada koofureed e Dalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Golaha wakilda Puntland ayaa ugu danbayntii ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed iyo tan Puntland nabad iyo midnimo waxuuna sheegay in si wada jir ah looga hortago dadka cadowga u ah bulshada Soomaaliyeed .

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe’

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this