Sign in to follow this  
General Duke

Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu

Recommended Posts

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo ka soo dagay Muqdisho

 

cadde1.jpg

 

Xilligan oo sacada Muqdisho oo ay tahay 10:25 Daqiiqo waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Cisalay ka soo degay Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo saaka ka soo kictimay magaalada Nairobi ee dalka kenya.

 

Wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa la socda xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, in kastoo magacyada xubnahan oo aanu weli helin haddana waxaa la sheegaya inuu ka mid yahay Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo uu hoggaaminayay Xaaji Caaqil Koogaar,waxaana sidoo kale ka mid ah xubnaha Garoonka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ciidamada dowladda Hoose iyo Maleeshiyooyin aad u fara badan.

 

Wariyeyaasha jooga Garoonka ayaa waxay leeyihiin dadka soo dhaweynayo Guddoomiyaha kama mid ah Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, sabab aan la sheegin.

 

Waa markii ugu horeysay oo Maxamuud Xasan Cali (Cadde)ee uu soo gaaroo Muqisho tan iyo markii loo magacabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,waxayna imaanshihiisa qeyb ka tahay soo guuritaanka Dowladda kaga soo guurtay dalka kenya.

 

Guddoomiye Maxamuud Xasan cali Gaabow (Cadde) waxaa uu sheegay in dadka Muqdisho kala hadli doona Degmada Wardhiigley oo ah halkii uu ku dhashay Cadde..

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Jason :D most of the famous warlords are ministers, confused ministers but they hold these titles never the less. Just like in Lebanon most of the former faction leaders and warlords became ministers and leaders after their peace process..

 

The titles of mayor of Mogadishu city and governor of Banadir have been given to one man. He arrived in Mogadishu today and will hold a press conferene later on the day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya oo maanta soo gaarey magaalada Muqdisho

 

Muqdisho-19.June.2005 Wafdi ka socda DFKMG ah ee ayaa maanta waxay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

Wafdigan oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha Cisiley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha cusub Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde), waxaana ka mid ahaa Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor, Xildhibaan Ibraahim Jeebo iyo xubno kale waxaana garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo uu hoggaaminayay Caaqil Koogaar, iyo xubno kale oo aad u fara badan.

 

Waa markii ugu horeysay oo Maxamuud Xasan Cali (Cadde)ee uu soo gaaroo Muqisho tan iyo markii loo magacabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,waxayna imaanshihiisa qeyb ka tahay soo guuritaanka Dowladda kaga soo guurtay dalka kenya.

 

Maxamuud Xasan Cadde ayaa lagu wadaa in uu gudagalo hawlaha kala duwan ee gobolka waxaana inta badan la sheegay in hawsha ugu horeysa ee uu qaban doono ay ugu weyn tahay sidii uu u diyaarin lahaa xafiiska ay DFKMG ah ka furan doonto magaalada Muqdisho iyo in uu u gogol xaaro safarka lagu wado in Cali Maxamed Geedi uu ku tago Magaalada Muqdisjo.

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumar Filish & Seeraar oo ka qeybqaatay soo dhoweynta guddomiyaha G/Banaadir & xubnaha labada gole ee taageersanaa Geeddi

 

Cadde1.JPG

 

Cadde.JPG

 

 

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta Cumar Max’uud Max’ed (Cumar Filish) & Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo ka mid ahaa xubnaha labada gole ee Muqdisho ka waday howlaha nabadeynta ah ayaa maanta uga hor tegay garoonka Cisaley guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Xasan Cali Gaabow (Cadde) oo uu magacaabay Prof. Geeddi & xubno ka tirsan labada gole oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Jeebo, C/llaahi Geeddi Shadoor, Cumar Ugaas Muumin & qaar ka tirsan ergadii shirka.

 

 

Wefdiga uu hor kacayey Cadde Xasan Cali ayaa la dejiyey hotelka Ramadaan, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey dadweyne fara badan & barbaarta gaashaaman, wuxuuna guddoomiyuhu halkaasi kaga qaatay salaan cutubyada guur-guura ee bambeyda & xoogga dalka.

 

 

Cadde wuxuu sheegay in intii karaankiisa ah uu wax ka qaban doono gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in dhowaan shir jaraa’id uu u qaban doono saxaafadda qeybaheeda kala duwan, shirkaasina uu ka dhici doono degmada Wardhiigley oo uu sheegay in ay aheyd halkii uu ku soo barbaaray.

 

 

Imaatinka guddoomiyaha ee Muqdisho ayaa ku soo beegan tay xilli aysan aqoonsaneyn magacaabistiisa xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasoo horay iyagu u magacaabay C/llaahi Firimbi & Ibraahim Shaaweeye oo ay u kala magacaabeen guddoomiyaha gobolka & duqa Muqdisho oo ah xilka uu hadda huwan yahay Cadde

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile, Muqdisho

 

 

Ku noqo beejka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Si Diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

- Sunday, June 19, 2005 at 16:18

 

Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo maanta kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Cisalay ayaa si qiimayn ku dhisantahay ay dadwaynaha Muqdisho ugu soo dhaweeyeen garoonkaasi.

 

Xildhibaanno katirsan baarlamaanka DFKGS, odayaal , Fanaaniin iyo malleeshiyaadka maxalliga ah ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

 

Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo ku dagay Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho ayaa la hadlay dadwaynihii soo dhawaynayay.

 

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho looga baahanyahay inay isgarabtaagaan dawladda .

 

Wuxuu Codsaday dhinacyada kala duwan ee shacabka sida odayaasha , ururada bulshada , dhallinyarada iyo haweenkuba inay dawladda gacan qabtaan.

 

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho ayaan labaduba soo xaadirin halka lagu soo dhawaynayay guddoomiyaha Cusub.

 

Guddoomiye Cadde wuxu Xusay inuu dadka Muqdisho kula Hadli doono Xaafadda Wardhiigley , asagoo sheegay inuu ka hadli doono qaabka shaqada dawladda iyo waxyaabaha shacabka looga baahanyahay.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho iyo wafdigiisa ayaa noqday wafdigii ugu horeeyay oo si rasmi ah ayagoo dawladdu ka warqabto yimaada Muqdisho.

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha G/Banadir iyo xubno isugu jira wasiiru dowlayaal iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Posted to the Web Jun 19, 16:01

 

 

Muqdisho:-Wafti ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaaboow iyo xubno isugu jira wasiiru Dowlayaal iyo xildhibaano ayaa manta ka soo degay garoonka Cisaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Waftigan maanta soo degay ayaa waxaa garoonka Cisaley , si aad ah ugu soo dhaweeyay,Gudiga soo dhaweynta ee dhawaan la magacaabay oo uu horkacayey wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Cumar Finish,gudoomiyaasha 16-degmo ee G/Banaadir,baarbaarta gaashaaman, iyo dadweyne aad ufara badan.

 

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,Maxamuud Xasan Cali Gaaboow iyo xubnihii la socday oo haatan ku sugan Hotelka Ramadan ayaa sheegay in uu dhawaan Qalabka Warbaahinta kala hadli doono Dadweynaha Muqdisho ku dhaqan.Waana markii ugu horeysay oo uu Gudoomiyaha G/Banadir ahna Duqa M/Muqdisho uu soo gaaro Magaalada Muqdisho tan markii uu R/wasaaraha Dowladda FKMG-ka Soomaliya uu u magacaabay inuu xilkaasi qabto,sidoo kale waa markii koobaad oo xubno labada gole

oo Dowladda ka tirsan ay soo gaaraan Muqdisho, ka dib munaasabadii xiritaanka shirkii soomaalida ee mudada ka badan 2-sano uga socday magaalada Nairobi ee xarunta

wadankaasi Kenya.

 

Shalay ayaa xubno ka tirsan golayaasha oo uu hogaaminayey R/wasaare Geedi ay soo gaareen magaalada Jowhar ee xarunta G/sh/dhexe,iyadoo wararka ka imaanaya Jowharna ay sheegayaan inuu maanta R/wasaaraha booqday saldhigyada booliska iyo xafiisyo kale ee ay horey u lahaan jirtay xukuumadii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed {indhajaceyl}

Puntlandpost,Muqadisho,Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Banaadir Kulamo uu la yeeshay Wasiiro Iyo (Muuqaal Sawiran soo dhawayntii)

- Sunday, June 19, 2005 at 21:36

 

Caddeoogacanhaadinayadadweynaha1.JPG

 

GuddoomiyahagobolkaBanadir1.JPG

 

 

barbaartaGaashaamanlashiraya1.JPG

 

GuddoomiyahaGobolkaBanaadirMuqdishoCadde

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan cali Gaabow(Cadde).JPG

 

Muqdisho (AllPuntland)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo wafdi isugu jiray xildhibaano Wasiiru Dowlo iyo ku xigeeno ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaraddaha Ciseley ee duleedka magaalada Muqdisho, wafdiga oo kasoo kicitimay magaalada Nayroobi ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, mas’uuliyiinta degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan oo watay gawaari fara badan Markii ay ka soo degeen garoonka ayaa waxaa uu salaan sharaf kaga qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamuud Xasan Cali Gaabow kooxda Muusikada garaacda ee Ciidamada.

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde) ayaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirul Dowlaha Arimaha Dibada Ibraahim Sh. Cali Jeebo, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Maxamed Axmed iyo sadax xildhibaan magacyadooda kala ah C/llaahi Geeddi Shadoor, Nuur Wabar iyo Cumar Ugaas.

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Xasan Cali ayaa Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho kala hadlay dadweynihii iyo mas’uuliyiintii kale ee soo dhoweeyay isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalka uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday inuu khudbadda koowaad uu dadweynaha kala hadli doono degmada Wardhiigley oo uu ku dhashay kuna soo barbaaray, inkastoo Guddoomiyaha uu ka cudur daartay inuu Saxaafadda si gaar ah ula hadlo.

 

 

 

Intaasi karib Guddoomiyaha ayaa wuxuu kulamo gaaban la yeshay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku soo booqday Hotel Ramadaam kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamuud Maxamed (Finish), Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo xubno kale kulankaasi oo ahaa mid albaabada u xernaa ayaa la ogeyn waxyaabaha ay iskula soo qaadeen mas’uuliyiintaas.

 

 

 

Soo dhoweynta maanta oo aheyd mid weyn ayaa kasoo xaadirin mas’uuliyiinta labada Gole marka laga reebo wasiirka Diinta Cumar Finish iyo Xildhibaan Seeraar, sidoo kale goobta soo dhoweynta ayaa lagu arkin C/laahi Firimbi iyo Ibraahim Shaawey oo looga bartay iney ka muuqdaan garoomada diyaaradaha marka ay soo degayaan wafdi ka tirsan Dowladda, dhanka kale Ibraahim Shaawey iyo C/llaahi Firimbi ayaa warbaahinta Muqdisho qaarkeed ay ugu yeeraan Duqa magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka lamase oga wixii maanta ka danbeeya xilalka ay sheeganayaan.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninka dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdsiho iyo xubna la socda oo maanta ka soo dagay garoonka Cislay ee duleedka Muqdisho.

 

June 19, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Xubna ka tirsan labada gole ee dowladda iyo Ninka dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdsiho Maxamuud Xasan Cali “Gaabow†ayaa maanta ka soo dagay garoonka Cislay ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Soo dhaweynta maanta ayaa waxa ka qeyb galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta labada gole ee ay dhawaan u magacaabeen inay soo dhaweeyaan wafdiga dowladda ee ka imaanaya magaalada Nairobi iyo qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho.

 

Dadkii ka soo qeybgalay soo dhaweynta xubnhaas ayaa waxaa warbixno u soo jeediyey xubna ay ka mid yihiin madaxa xafiiska isku xirka dowladda iyo dadweynaha Maxamud Cali Jimcaale “Caaqil Kookaar†oo sheegay in maanta ay tahay markii ugu horeysay oo Nin ku dhashay gobolka Banaadir loo magacaabo inuu madax ka noqdo.

 

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay ku simaha ururka USC/SNA Abuukar Ganey oo sheegay in ay maanta diyaar u yihiin inay ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha gobolka xarunta Villa Somalia oo ay gacanta ku hayaan.

 

Ku xigeenka Guddoomiyaha gobolka Banaadir qeybta maaliyada Maxamed Cabduqaadir ayaa sheegay in dowlad la helay balse xaaladda gobolka Baanadir uu ku sugan yahay haadan ay tahay mid cakiran.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho Maxamud Xasan Cali Gaabow oo isagana halkaas hadal gaaban oo ka jeediyey soo dhaweyntiisa kaddib waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in midnimo la helo taas oo uu sheegay in looga bixi karo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed heysta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this