Sign in to follow this  
CapeTown

Outstanding Speech by Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya

Recommended Posts

CapeTown   

Shir ay soo qaban qaabiyeen Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya, isla markaana ay ku casuumeen Bulshada Soomaaliyeed ee degan magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Hotel Hilton ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Kulankani oo ay Isbaheysigu sheegeen in looga hadlayey Geeddi Socodka Nabadda ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Warfaafinta ee Isbaheysiga Suleymaan Colaad Rooble, Guddoomiyaha Guddiga Wadaxaajoodka ee Isbaheysiga ahna ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Maxmed Cabdi Yuusuf, Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe, Prof Maxmed Cabdi Maxmed (Gaandi) Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan {(Ibi).

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay jiraan fursado badan, oo ay ka mid tahay in Soomaalida ay muujiyeen inaan la qabsan karin iyo bulshada caalamka iney garwaaqsatay waxa adduunka qaar ay u arkayeen iney Soomaaliya xal u noqon karaan ineysan xal u noqon karin iyo Isbaheysigu inuu diyaar u yahay xal diblumaasiyadeed in la raadiyo oo aan xabbad kaliya waxba lagu raadin, "Waxaan isleenahay fursadahaas kulmay maalin walba isma dul saarna, marka mas'uuliyadda na saaran waxey tahay inaan ku dadaalno sida xal loo heli karo. 19 sanno ayuu dagaal soo socday, dagaalo fara badan ayaa dhacay natiijadana lagama keenin" ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Wuxuu intaa ku daray Shirkii Jabuuti dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti iney hor yaallaan caqabo badan, "Laba un bay mid aheyd caqabaad fara badan ayaa hor yaalla, laba unbey mid aheyd, in aan tanaasuli weyno oo xariga dhinaceena aan ka jiidno laguna kala tago iyo inaan anagu tanaasul muujino waxna lagu heshiiyo, labadaas arrin markaan isgarab dhignay waxaa noo soo baxday ineysan suuragal aheyn inaan ka sugno dadkii cadaw dalka ku soo hoggaamiyey ee dhibaatadaad aragteen geystay iney qodobo ka tanaasulaan ineysan suuragal aheyn, waxaan qaadanay marka anaga inaan qodobo ka tanaasulno, laakiin bud-dhiga mawduuca aynaan ka tanaasulin kaasoo ah iney Itoobiya meesha ka baxdo" ayuu yiri Guddoomiyuhu.

 

Sheekh Shariif wuxuu soo hadal qaaday intii uu ka hadlay kulanka maanta ka dhacay magaalada Nairobi xubnaha kale ee isbaheysiga ee dhaliilay heshiiskii ay soo saxiixeen, wuxuu sheegay iney yihiin dad ay walaalo yihiin oo ay soo wada shaqeeyeen isla markaana aaney marna kala maarmi karin, "Waxaan qaadanay maadaama ummadda xalkeeda aan raadineyno inaan hadalka qaadano, walaalahana hadalka aan la wadno haddii wax wanaagsan aan keeno waa sidii la rabay walaaluhuna waa na waafaqayaan waana na waafaqsan yihiin waxa la isku khilaafsan yahayna aad bay u yar yihiin, haddii aan xalka aan weyno diblumaasiga ah oo aan wax ku keeni weyno, awalba meeshii wax noo joogeen ayaan ka wadeynaa meel kaloon u wadno ma leh waxaana suurtagal aheyn inaan aqbalno Gumeysi" ayuu yiri.

 

Dadkii la casuumay mar uu la hadlayeyna wuxuu yiri, "Sidaas daraadeed waxa aan soo qaadnay iyagoo nala qaraar aan waxaan u qaadnay iney maslaxo ku jirto haddii maanta xal dhameystiran aan lagu gaarin iney dariiq noqon karto, qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku fikiraa inuu dagaal furan iska socdo", wuxuuna intaa ku daray in xaaladdu ay maalinba meel joogto, "Meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa" ayuu ku sii daray, isagoo sheegay in difaacu aanu aheyn in xabbad oo kaliya la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad lagu hoggaamiyo.

 

Sheekh Shariif: Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go;aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin.

 

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Wadahadalada ee Isbaheysiga isla markaana ah ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada la isku afgartay Soomaaliya in loo diro hadafka laga leeyahay inuu yahay iney dalka xasiliyaan, isagoo xusay in dhinacyo badan markii ay ka eegeen iney ku guuleysteen ciidamadaasi iney noqdaan kuwa ka socda waddamada Islaamka, oo dadka Soomaalida ah ay isku dhaqan iyo diin yihiin.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga wuxuu ka dhawaajiyey in ay socdaan wadahadalo meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya iyaga iyo xubnaha Isbaheysiga ee diidan Heshiiskii ay dhawaan dowladda la saxiixdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

http://www.somaliweyn.org/pages/news/June_08/22june24.html

 

SOURCE AND PICTURES

 

 

Sheekh Shariif: Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go;aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir_Shariifyada_Nairobi_1.jpg

 

Sheekh Shariif:

 

Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go;aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laqd-abo nooma hoosayso iyo lab iyo ceebaale

 

Lahan keeni mayniyo wixii lur ina gaarsiine

 

Ninba wixii ku laabudani waa inay ka laacaane

 

Amar nagu luggooyo ah kufrina lagu libaynayo

 

Oo nagu lid ah bay wadaan nimanka ‘Laatiine’

 

Leelleel waxaa qaba ninkii diinka laayaca e

 

Ma liibaano ruux gaalnimo laabta ku hayaaye

 

Laasima Shareecada rag naga leexday baa jira e …

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Geenyadda Bureeqa ah Markuu baqalku fuulaayay

Way Baadiyootee Sharcigu Uma baneeyeene!!!!

 

Surwaal!!Allow kuu naxariiso. Masuuliyadda dad aan u qalmin markay fuulaan waa mushkilo cadiim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badho olosha waa loo godlaa waase baaqima'e

Boodada horeetaa danbeed biririfleeyaaye'e

Baqal kuma hargalo meel sanguhu maray bariisteeyye

Bal ogaada tolwaayaa soo buraanburayye'e

 

When one’s perception of leadership is so erroneously, and irrevocably, shaped, the only solution to deal with that tragedy is perhaps to just listen him and give him a breathing room to vent. And lest that mere accommodation gives him a wrong impression that he has an equal capacity to shape the affairs of the Ummah, a solid line must be drawn in the proverbial sand; leading is not the function of the masses, and fighting soldiers. It’s an ability that’s bestowed on a few. That’s why it’s so unfair to expect this great sufferer of ours, A & T, who couldn’t even grasp that distinction in the first place, to appreciate good Shariif’s leadership even if it hits him in labada indhood iyo salkooda!

 

What the mind does not know, as it were, the eyes cannot see!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Just who or what is left in this "alliance"? Could it even be called an alliance still?

 

The good Sheikh (come secular diplomat lately) is getting more airtime than the liver-less one and is walking a very fine line nowadays. I wish him success but he may be playing with fire here. Americans don't endorse "sheikhs" unless they have oil and Somalis don't need another Gheedi or Yey.

 

By the way, just what is the "President" of the republic up to nowadays? loool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Xinn

 

A terrible case of mistaking capitualtion with leadership, of dereliction of duty with diplomacy and of an orator with a visionary. Or perhaps after all, it is not a mistake but a conscious faux paus obdurately conveyed to bamboozle the demure audience. Seldom did I encountered such a lousy salesman, who wouldn't even bother about packaging the 'rejected good' in a new label.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A & T, to paraphrase late Nazir of Egypt, let the dogs park, and the peace thru dialogue caravan shall continue its forward march!

 

*****This thread has run off its course*****.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this