Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Regional Office Opened in Buuhoodle

Recommended Posts

Waxaa saaka laga furay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Buuhoodle xafiiskii ugu horeeyay ee maamulka Somaliland ku yeesho halkaasi iyadoo ay ahayd dhawaan uun markii Gobol uu maamulka Somaliland u magcaaabay iyadoo todobaadyadii ina soo dhaafayna Gobolkaasi uu madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin u magacaabay Gudoomiye Gobol iyo ku xigeenadiisa si Gobolkaasi unoqdo mid shaqaynaya.

 

Iyadoo ay hadaba halkaasi aysan horay uga furnayn magaalada Buuhoodle wax xafiis ah oo ka socda maamulka Somaliland ayaa waxaa saaka laga furay xafiiskii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland uu yeesho kana furo magaalada Buuhoodle iyadoo xafiiskii saaka halkaasi laga furay uu ahaa xafiiska Guriga Gobolka ee Buuhoodle ugana matali lahaa Dawlada Somaliland iyadoo sidoo kalena lagu wado in xafiisyo kale laga furo Gobolkaasi mudooyinka soo socda.

 

Mar aan la xidhiidhnay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Maxamed Jaamac oo ku sugan Gobolkaasi kuna guda jiray furitaankii xafiiska ayaa waxa uu noo xaqiijiyay inuu hadda si rasmi ah ufuran yahay xafiiskii maalmaha soo socdana uu bilaabi doono hawlo badan oo uyaal oo dhanka shaqada ah isagoo xusay in Gobolkani uu wax badan ka hadhay Gobolada kale ee Somaliland hadase maamulka Somaliland ee wakiilka uga yahay wax badan u qaban doono.

 

Gudoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in maalmaha foodda inagu soo haya lagu guda jiro sidii xafiisyo badan looga furi lahaa magaalada Buuhoodle dhamaana hay’adaha kale gedisan ee Dawlada Somaliland ee heer Gobol ay uga shaqayn lahaayeen kuwaas oo wax wayn ka qaban doona dhinacyada nabadgalayada, waxbarashada, caafimaaadka iyo waliba dhamaanba adeegyada arimaha Bulshada ee Gobolkaasi dib uga dhacay.

 

Hadaba waa markii ugu horaysay ee maamulka Somaliland uu xafiis ka furto magaalada Buuhoodle iyadoo furitaanka xafiiskani ay masuuliyiin badan oo Somaliland ahi ay utahniyadeeyeen iyo waliba shacabwayne aad ifara badan kuwaas oo kunool Gobolkaasi iyadoo qaar kamid ah shacabka Buuhoodle ee saaka goob jooga ka ahaa furitaanka xafiiska goobtaasi ku xuseen inay si wayn ugu baahnaayeen in markaliya la helo xafiis shaqaynaha oo danaha umada ka shaqaynaya kana socda maamulka Somaliland.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Somaliland oo Qabnqaabadiisu Ka Socoto Buuhoodle Saaka

 

Qaybo ka tirsan bulshada deegaanka aya saaka waxa ay wadaan qabanqaabo balaadhan oo ay ku diyaarinayaan inay dhigaan banaanbax lagaga soo horjeedo Somaliland, waxaana arintani ku soo beegantay maalin ka dib markii la furay xafiis lagu tilmaamay inuu yahay Xafiiska Gobolka ee Dhinaca Somaliland.

 

Dhinacyadan diyaarinaya banaanbaxa ayaa la aaminsan yahay inay socod ku mari doonaan waddooyinka magaalada, lamase hubo inay banaanbaxayaashu gaadhi doonaan halka xafiiskaasi cusub laga furay oo ah agagaarka Hotel Ileeye.

 

Inta badan deegaanka Buuhoodle waxaa ka dhaca banaanbaxyo noocan oo kale ah oo maamul uu ku diidan yahay ka kale, xilli ay tiro badan oo aqoonyahano ahi aaminsan yihiin in maamulada Somaliland & Puntland heshiis ku yihiin arimaha ka jira deegaanada SSC qaarkood.

 

 

Buuhoodlemedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo ilaa & habeenimadii xalay uu socday Gurdan ku saabsanaa in laga sameeyo Buuhoodle banaanbaxyo lagaga soo horjeedo Somaliland ayaa hadda waxa ay u muuqdaan kuwo qabsoomi waayey ka dib markii ay dhinacii qabanqaabinayey banaanbaxu ka baqeen in isku dhac dadweyne yimaado, dhanka kalena ay Ciidamada Itoobiya ee fadhiisinka ku leh magaaladu ku wargeliyeen qabanqaabiyayaasha inaan maanta oo ku aadan maalinta qaranimada Itoobiya ee Bisha Haayaa-Gambood aan la samayn karin wax banaanbaxyo ah oo rabshado keeni kara.

 

waxaa la arkayey qaar ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland ka jooga Buuhoodle oo saaka isku wareejiyey xarunta lagu magacaabay xafiiska Gobolka ee Somaliland, kuwaasoo ku talo jiray inay iska caabbiyaan hadiiba dhinaca banaanbaxayaashu isku dayaan inay soo gaadhaan dhismahaasi oo ku yaalla agagaarka Hoteelka Ileeye.

 

 

Buuhoodlemedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta hawl gal ay sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Buuhoodle fuliyeen hawlgal ay kuy sugayaan amaanka xafiisyada maamulka Somaliland ee magaaladaas,kadib markii taageerayaasha Puntland ay soo abaabuleen mudaharaad la damacsanaa in lagu waxyeleeyo xafiiska uu fadhiyo gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada.

 

Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Maxamed Jaamac oo hawlgalkaas hogaaminayey ayaa amar ku siiyey ciidanka amniga inay ka hor tagaan dadka nabada magaalada wax u dhimaya,isaga oo ciidan ku hubaysan gawaadhida tiknikada ku wareejiyey dhismayaasha dawlada,iyo weliba meelaha muhiimka ah ee shacabku isugu yimaado.

 

Dhanka kale ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolka Buuhoodle ayaa la geliyey heegan,iyada oo la filayo inay fuliyaan hawl galo nabada gobolkaas wax looga qabanayo.

 

Waxaa weli ku sugan degmada Buuhoodle masuuliyiin horey maamulka puntland ugu magacaabay maamulka degmadaas,iyo weliba saraakiil horay uga tirsanaa ciidamada Puntland oo qaarkood xabsiyada Somaliland laga soo daayey sida Deyr Cabdi-iska-toos oo aan isagu wax hawlgal samayn ilaa intii la soo daayey.

 

Arintu si kastaba ha ahaatee xaalada magaalada Buuhoodle ayaa kacsan,iyada oo rag u ololeeya maamulka Puntland ay kicinayaan shacabka,si loo sameeyo mudahaaradyo,kuwaasoo keeni kara in ay dhacaan iska hor imaadyo u dhexeeya taageerayaasha labada maamul.

 

 

Afnugaal News Desk,Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M.Rayaale441.jpg

 

Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa Maanta Wareegtooyin uu Soo Saaray Ku Magacaabay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

 

Waxa kale oo isla Maanta Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska iyo Taliye ku xigeenka ee Gobolka Buuhoodle.

 

Madaxweynuhu isaga oo tix geliyay qodobka 90-aad iyo qodobka 110-aad ee dastuurka Somaliland , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee gobolka Buuhoodle u leeyahay dhismaha Qaranka iyo baahida loo qabo Buuxinta Jagooyinka Maamulka Gobolka , waxa uu u magacaabay Mudane C/rashiid Yuusuf Kooriye Jaamac inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle , Mudane Yuusuf C/laahi Maxamuud Hangool uu isna la wareego xilka Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle.

 

Sidoo kale , waxa uu Madaxweynuhu iyana u magacaabay Mudane Axmed Faarax Cali ‘'Dhaga-cade'' Taliyaha Qaybta Booliiska ee Buuhoodle , Mudane Ibraahim Maxamed Cabdi uu isna ahaado Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Buuhoodle.

 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu farayaa Masuuliyiintaasi uu xilka u magacaabay in ay la wareegaan xilkaasi sida ugu dhakhsaha badan. sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray af hayeenka madaxweynaha Somaliland, oo loo qaybiyay saxaafda isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this