Sign in to follow this  
Suldaanka

A number of Ministers finish their work and return to regional capital + More troops

Recommended Posts

Wararkii Ugu Danbeeyey: Wasiiradii Somaliland Oo Ka Soo Baxay Magaalada Dhahar Iyo Ciidan Xoogleh Oo Somaliland Ah Oo Soo Gaadhay Deegaanka Yufle

 

 

Hargeysa (Harowo.com) April 16 -07- Shabakadda Wararka Harowo.com oo caawa iyo saaka oo dhan heegan ugu ahayd akhristayaashayada si aanu ula socodsiino xaaladda deegaanka Dhahar oo shallay dagaal ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulka Puntland ayaa waxaanu khadka telefoonka gacanta goor dhawayd kula xidhiidhnay Weriye Mustafe Maxamed Ciise oo ku sugan magaaladda Dhahar waxaananu ka waraysanay xaaladdu sida tahay.

 

 

Ugu horayn waxaanu weydiinay Weriye Mustafe Sida ay xaaladda Deegaanka Dhahar saaka ku waabariisatay wuxuuna ku jawaabay "walaal xaaladda magaalada Dhahar way degentahay saaka wax dagaalo ah oo dhacay ma jirto, laakiin ciidanka Somaliland iyo kuwa ******teeniya waxay isku hor fadhiyaan meel koonfur beri ka xigta magaalada Dhahar waxaanay isku jiraan masaafad dhan 30 Km, magaaladana waxaa gacanta ku haya ciidanka qarranka Somaliland".

 

Weriye Mustafe waxaa kale oo uu noo xaqiijiyey in Wasiiraddii xukuumadda Somaliland Waa wasiirkii arrimaha dibadda Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Cayaaraha Maxamuud Siciid Maxamed iyo Wasiirka Gaashandhiga Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf ay ka soo baxeen magaalada Dhahar iyagoo imika ku sugan magaalada Xingalool ee duleedka galbeed ee magaalada Dhahar, weriye Mustafe oo aanu weydiinay sababta keentay in wasiiraddu ay wakhtigani ka soo baxaan magaalada Dhahar wuxuu sheegay in ay wasiiraddu u sheegeen isaga innay hawshoodii soo dhamaysteen haadana ay dib ugu soo laabanayaan magaalada Ceerigaabo, balse ay hadda ku suganyahiin magaalada Dhahar ciidankii Qaranka Somaliland oo uu horkacaayo abaandulaha guud ee Ciidaanka qarranka Somaliland.

 

Dhinaca Kalana Weriye Mustafe oo aanu wax ka weydiinay ciidanka Qarranka Somaliland ee gurmadka ahaa wuxuu noo sheegay in ciidan xoogleh oo ka yimid dhinaca magaalada Burco ay xallay soo gaadheen Deegaanka Yufle oo galbeed kaga beegan magaalada Dhahar "Waxaa soo gaadhay Deegaanka Yufle ciidan xoogleh oo gaadhaya ilaa 30 tikniko ah oo somaliland leedahay isla markaana waxaa dabada ku soo haya ciidamo kale oo gurmad ah oo xad dhaaf ah oo ku qallabaysan tiknikadooda iyo taangiyada dagaalka" ayuu noo sheegay weriye Mustafe.

 

Waxaanu sidoo kale Weriye Mustafe wax ka weydiinay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca wuxuuna noo sheegay in ciidamada Somaliland ay ka dhinteen 2 askari laba kalana ay kaga dhaawacmeen dagaaladii shallay dhacay, wuxuu sheegay in ciidanka Qarranka somaliland ay gacanta ku dhigeen 2 gaadhi oo tiknikadii ay maleeshiyaadka Puntland ka carareen ah kaasi oo uu mid yahay qoriga Suuga loo yaqaano oo loo soo jiiday hadda dhinaca magaalada Xingalool, halka ka kalana uu yahay qoriga Jiibka loo yaqaano oo ah qoriga lidka taagiyada.

 

Waxaa sidoo kale Shabakadda Harowo.com ay markii ugu horaysay heshay sawiro muujinaya maydadka maleeshiyaadkii Puntland oo wadhan duleedka beri ee magaalada Dhahar halkii uu dagaalku ka dhacay.

 

Mar aanu saaka abaaro 8:00 subaxnimo isku daynay inaanu la xidhiidhno Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo gaashandhiga ee Somaliland ayaanay noo suurtagelin iyadoo wakhtigaasi ay labada wasiirba telefoonadooda gacantu ay xidhnaayeen balse waxaanu isku dayeynaa inaanu sida ugu dhakhsaha badanleh ula xidhiidhno haddii alla idmo isla markaana waxaanu idiin soo gudbin doona wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda ku geedaaman magaalada Dhahar iyo guud ahaan Beriga Gobolka Sanaag.

 

La Soco Harowo.com oo ah Horyaalka warbaahinta geeska afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^aha...so thats how its spinned, shaqadii waa la soo dhamaystay..marka waa laga soo baxayaa. And I was hoping for a good old war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by me:

^^aha...so thats how its spinned,
shaqadii waa la soo dhamaystay..marka waa laga soo baxayaa.
And I was hoping for a good old war.

You won't be disappointed. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

waad iska qosli...bal tag http://harowo.com/2007/04/15/wararkii-ugu-danbeeyey-wasiiradii-somaliland-oo-ka-soo-baxay-magaalada-dhahar-iyo-ciidan-xoogleh-oo-somaliland-ah-oo-soo-gaadhay-deegaanka-yufle/

ee websiteka suldaanku warka ka soo lalinayo. Sida warku xanbaasan yahay lagama xishoon mayd Soomaaliyeed in ciid la jiid jiido, haddiibase ay argagixisa SNM ee meedka u jiid jiideen in ay adduunka tusaan ay ay jabiyeed ciidkan Puntlaan ee aaminsan midnimada ummad Soomaaliyeed, maxay wajiga saddexda nin ee maydka ah u qariyeen oo ay kuu tusayaan dhabarka oo qura? Runtu waxa ay u dhowdahay in ay ihiin kuwii laga laayeey oo xitaa maydkoodeed siyaasad ahaan u isticmaalayaan... Allahayoow maxay quruntay!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Suldaanka:

quote:Originally posted by me:

^^aha...so thats how its spinned,
shaqadii waa la soo dhamaystay..marka waa laga soo baxayaa.
And I was hoping for a good old war.

You won't be disappointed.
;)
Can wait for a rude awakening for the secessionist dreamers and a good old war will be a rude awakening.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by wiil_duco:

^^^ lol shaqadii waa dhamaatay miyaa. xuduudii goormaa lasoo xiraa?

Xuduuda 16 sano ee la soo dhaafay la xidhiwaayay, maanta ma la xidhayaa? Its sad but Somaliland never had a chance. Qabyaalad ayaa Somaliland meeshaas dhigtay, imgine if the secessionist mafia showed leadership in the early 90's and relocated the Somali government to Hargeysa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this