Sign in to follow this  
xiinfaniin

Xanta siyaasadda..

Recommended Posts

Dacwad laga direy Nur Cade

 

Warar lagu kalsoon yahay oo Garowe Online ka heshay ilo wareedyo ku sugan Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somalia ka ashtakoodeen Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Somalia Nuur Cadde.

 

Ilo wareedyadaan ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha Itoobiya ay qoraal u direen Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi; taas oo ay ku sheegayaan inaysan la shaqeyn karin Nuur Cadde.

 

 

Qoraalka oo aanay noo suurogelin inaan helno ayaa waxay sheegeen ilo wareedyada aan xogtaan ka helnay inuu ahaa mid lagu muujiyay in Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Cadde uusan noqon sidii ay filayeen.

 

Wararkaan ayaa xusaya in saraakishaan dacwdaooda sal uga dhigeen in Ra'isal Wasaaraha cusub sameynayo go'aamo siyaasdeed oo uusan kala tashan madaxda uga sareysa ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan Somalia gaar ahaan Muqdisho.

 

Ashtakadaan; ayaa la sheegay inaysan saraakiishu weli ka helin wax jawaab ah; iyadoo Ra'iisul Wasaaraha Somalia la ogeysiiyay in dacwad ka dhan ah loo gudbiyay Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Ilo wareedyo ku dhow Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Garowe Online xiriir la sameysay si ay wax uga ogaato qoraalkaan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrnitaan, balse waxay qireen jirtaanka ashtakada.

 

Mas'uul codsaday inaan magaciisa la shaacin kuna dhow Nuur Cadde ayaa noo sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Somalia markii uu Muqdisho soo gaaray uu diiday inuu la kulmo Gen. Gabre oo ah taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya kaga sugan Somaila.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no hope in Somalia as long as Ethiopia is in there. Sooner people realise, the better for all of us. From Hargeysa to Baydhabo, these men run a little detail of the Somali politics, simply shameful!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I thought you killed Che!

 

As for this report, i think it's too good to be true. For if it were true it would've marked the begining of a new understanding....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ I had to resurrect him. The ladies missed and some requested encore.

 

There will no real tangible progress as long as you have Ethio boots in the Somali soil. Saaxib, literally nothing gets done without their approval. From to the south, these stooges need to go. There is no reasoning or understanding with these people. I want them to be chase out of Somalia with bullets flying over their heads.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysal wasaaraha dowlada KMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ) ayaa dhowaanahanba ku mashquulsanaa sidii uu Hanaan Dib u Heshiisiineed uga abuuri lahaa magaalada caasimada ah ee muqdisho oo ay ka jiraan dhibaatooyin dagaal oo daba dheeraaday.

 

 

Col,Nuur Cadde ayaa shirar Hoosaadyo la yeeshay Odayaasha dhaqanka beesha ****** ,waxgaradka iyo aqoonyahanada kuwaasoo uu dhamaantood ka codsaday inay la xoojiiyaan nabada gobolka si loo helo Nabad islamrkaana loogu talaabsado Horumar.

 

Raysal wasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale saraakiisha Ciidanka ee dowlada KMG ah ku amray inaysan Qaadin Howlgalo Abuuri kara saan saan colaadeed islamarkaana keeni kara isku dhac ku yimaada iyaga iyo kooxaha kasoo Horjeeda si loo yareeyo colaada ka oogan casimada Muqdisho.

 

 

Dhinaca kale Tan iyo Intii laga soo daayey xabsiga Odayaasha Dhaqanka beesha ****** Ayaa Waxaa Isa soo Tarayey Duqaynta xoogan ee ay Ciidamada Ethiopia ku Hayaan Caasimada Muqdisho iyadoo hab yaraatee aysan Jirin wax Dagaal ah ,iyo Weliba dilka dadka rayidka ah oo sida ula kac ah ay u dilayaan ciidamadaasi kuwaasoo maanta ku diley Labo qof oo rayid ah deegaanka xaruntii hore ee ciidanka asluubta soomaaliyeed ee Ex-cantarool afgooye iyadoo ay Baabuur Nooca dadweynaha ah kala soo degeen islamrkaana madaxa kala beegsadeen Rasaas.

 

Labada Nin Ee la diley ayaa la sheegay ay ciidamada Ethiopianka ee ku sugan xaruntii hore ee ciidanka asluubta ay saarnaayeen baabuur nooca gaadiidka dadweynaha ah islamrkaana uu ku halaabay gaarigaasi meel kamida agagaarka xaruntaasi ee wadada isku xirta magaalada muqdisho iyo afgooye kuwasoo ay kula keceen dil fool xun islamrkaana ay dadkii kale ee saarnaa baabuurkaasina ay howdka ugu kala Eryeen rasaas.

 

Ilo wareedyo Lagu kalsoonaan karo ayaa Saxaafada u xaqiijiyey in sarkaalka ugu sareeya ciidanka Ethiopia ee magaalada muqdisho uu diiday inuu la kulmo raysal wasaaraha dowlada KMG ah Taasoo lagu macneeyey inuu ka xun yahay nabadaynta uu ku talaabsaday raysal wasaare Nuur Cadde.

 

 

 

 

yaasiin faytin

 

Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I had to resurrect him. The ladies missed and some requested encore.

Papichulo aa noqotay ma istiri?

 

 

Why is qashinka ethio-s news uyahay?

 

There is no secret that the amxaaro generals have their hands in the TFG personnel's behind, farta ayey ku haayaan and if anyone crosses them, dacwo aa loo diraa melez, the subject will read "Melez, smell odourkaan bal?", I think Yusuf as "CC" aa emailka loogu diray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

" Raysal Wasaaraha ayaa hada ku guda jira tallaabooyin uu wax uga badalayo Talisyada Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Taliska Ciidanka Booliska ninka madaxda u ah Gen. Cabdi Qeybdiid.

 

 

Warar Horu dhac ah oo laga helayo Kulamdii dhowaan uu Saraakiisha Ciidamada Dowladda la qaatay Raysal Wasaaraha ayuu ugu gudbiyay in ay si dhaqso ku soo cadeeyaan tirada diiwaangashan Ciidamada, iyo halka ay ku baxaan qarashaadka ugu badan ee ay UNDP ku bixiso Ciidamada Booliska.

 

Askarigii ka tirsan Ciidamada Booliska mushaar ahaan bil kasta waxaa loo qoondeeyay 150$, laakiin lacagahaas ma ahan kuwo ay bil walba si joogto ah u helaan, waana tan kaliya ee Genanka Ciidamada laga doonayo inuu soo cadeeyo.

 

Inkastoo Nuur Cadde ahaan jiray Corneyl Boolis ah, sharciyada ku xeel dheereeyo, ayaa waxa uu doonayaa in sumcada Ciidamada uu dib u usoo celiyo, isagoona wada is bedel muuqda oo bulshada uu ku qancinayo.

 

Raysal Wasaaraha waxa uu culeys ku saarayaa Talisyada Ciidamada Dowladda in ay wax ka badalaan hab dhaqanka Ciidamada ee bulshada, waxaana marka uu dib ugu soo laabto Caasimada uu bilaabi doonaan is bedelada uu ku sameynayo Talisyada Ciidamada sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Xogheynada Xafiiska Raysal Wasaaraha.

 

 

Widhwidh Online :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay C/laahi yuusuf iyo Gen, Gebre.

Sh, M network 21 Feb 08, 16:52

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo xog ogaal ah kuna dhaw madaxweyne yuusuf ayaa shaeegaya in khilaaf xoogan oo gaaray heerkii ugu sareeyey uu u dhexeeyo madaxweynaha DFS C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan soomaaliya ee dhinaca siyaasada Gen.Gabre.

 

Qilaafkan ayaa lagu macneeyey inuu salka ku hayo awooda dhinaca maamul ee Soomaaliya, ayaa soo shaac baxday ka gadaal markii C/llaahi yuusuf uu dacwad ka dhan ah jananka itoobiyaanka kuna dalbanayo in laga bedelo Soomaaliya uu u gudbiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Malez Zenawi muddadii uu safarkiisii ugu dambeeyey uu ku joogay Magaalada Adis ababa, arintaasoo muddo maalmo ah ku qaadatay Madaxweyne Cabdulahi Yususf sidii uu uga dhaadhicin arrimaha uu kaga cabanayo Jeneraal Gabre raiisal wasaare Meles Zenawi.

 

Ilahaasi xog ogaalka ah ayaa sheegaya in Malez Zanawi aanu si rasmi ah u aqbalin dalabka C/llaahi Yuusuf balse uu sheegay in Gen. Gabre looga yeeri doono Adis Ababa waqti aan la cayimin, waxaanse la ogayn in Gen.

Gabre looga yeeri doono Adis Ababa iyo in kale, wallow la tuhunsan yahay in hadalkaasi uu ahaa mid keliya lagu qancinaayey Madaxweyne Yuusuf.

 

Waxana warar la helayo ay sheegayaan in ay jiri karaan in xaaladu ay sidan ka sii weynaato oo uu yimaado shirqool la isku qaarijiyo, arintaasoo laga dareemi karo in si aad ah loo adkeeynayo amaanka Madaxweynaha, oo ay imminka si weyn u sugayaan ciidamada AMISOM iyo Ciidamada ka tirsan kuwa DFS, arintana qilaafka ahna waxa ay sababtay sida la xaqiijiyey in dhinac ka mid ah raggan is haya ay hawlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisha lagu sheegay inay ka dambeeyeen kooxaha ka soo horjeeda Dawlada.

 

Weeraradda la tuhusanyahay in ay ka dhasheen khilaafka madaxweynaha iyo jeneraal Gabre ayaaa waxaa ka mid ah weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha muqdishu xilli uu ka sii baxayay raiisal wasaare nuur cadde iyada oo madafiicda lagu ganay garoonka laga ganay meelo fariisan u ah ciidamo soomaaliyeed oo madaxdooda la saaxiib ah jeneraal Gabre.

 

 

Madaafiicdaasi ayaa ahaa kuwii ku habsaday guryo ku dhowaa xeradda afasiyoone oo ay ku lee’deen dad rayid ahaa. Raggga sida gaarka ah Gen. Gabre la saaxiibka ah uuna ka dhaxeeya isbaheysi xooggan ayaa wxaa ka mid ah Darwiish, Maxamed Dheere, Xaabsade iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha wasiirada iyo qaybaha kale ee dawlada,waxaana Madaxweyne Yuusuf uu si aad ah u diidan yahay Ciidamada ay sida gaarka ah u leeyhiin Darwiish iyo Maxamed dheere oo fuliya danaha ka soo horjeeda isaga, inkastoo uu doonayey inay isaga ka amar qaatan dhamaan ciidamada dawlada sida uu doonana u adeegsado si ay awooda dawlada oo dhan gacanta ugu soo gasho balse arintaasi aanay dhicin, waqti badan oo xilkii uu hayeyna laga lumiyey in kastoo uu haatan dadaal ugu jiro sidii uu ku hanan lahaa awooda Dawlada oo dhan

 

 

Madaxweyne yuusuf ayaa la xaqiijiyey in uu xilka ka qaadi lahaa raggan xulafada la ah Gen Gabre ee aan ka tirsanayn Golaha wasiirada waa haddii ra’iisal wasaare Meles Zenawi uu bedeli lahaa Gabre hase yeeshee Meles ayaan weli fulinin codsiga madaxweynaha oo ah in Gabre laga wareejiyo arrimaha Soomaaliya.

 

Shabelle London

Shabelle Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Tigre Formula its not something new in Somalia. We know how they divideds among the somalis in Oganden region so doubt they will do the same the rest of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this