Sign in to follow this  
Saalax

Gudoomiyihii Degamada Borama Ee Xisbiga KULMIYE oo is Casilay

Recommended Posts

Saalax   

2mezpd3.jpg

 

 

Gudoomiyihii Degamada Borama Ee Xisbiga KULMIYE oo is Casilay

(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 16, 2010

Borama(HWN) Gudoomiyihii degmada Borama ee xisbiga KULMIYE uqaabilsanaa Maxamed Maydhane ibraahim, oo ku magacdheeraa waydka ayaa maanta si rasmiya iskaga casilay jagadii uu ka hayay degmada Borama ee xisbiga kulmiye.

 

Hadaba mar aan khadka telefoonka ku waraysanay sababta uu isku casilay ayaa waxaa uu yidhi "waxa jira arimo badan oo aniga ii gaar ah waxaana gartay inaan iska casilo jagadan aan u hayay Xisbiga kana baxo Kulmiye waxaanan maanta laga bilaabo ku biiray xisbiga talada Haya ee UDUB hormoodka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin"

 

waxa kale oo uu sheegay in maantaba ay wada kulmeen Madaxwaynaha ayna ka wada hadleen in beelwaynta uu ka soo jeedaa ee degta degmada Borama ay si toos ah u taageersan yihiin Madaxweyne Daahir iyo xisbigiisa.

 

Isku soo wada duuduuboo tani waxa ay imanaysaa xili lagu jiro saacadihii ugu danbeeyay ee ololaha doorashada toban cisho wax ka yarina ay ka hadhsan tahay wakhtiga loo qabtay Doorashdu inay dhacdo ee 26 June.

 

 

Waxaana la odhan karaa cid walba oo ka dhex wayda xisbiga ay ku jirto danaha ay ku qabto waxa uu isla markaaba u hayaamayaa meesha uu is yidhaahdo dantaada ayaa ku jirta.

 

Reporter:C/qaadir C/laahi Awxuseen(Ilko)

 

Borama Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this