Sign in to follow this  
guraad

SSH Garaads and tradional leaders heading to kenya

Recommended Posts

guraad   

Laascaanood,Somalia,7 July 2003 —Warar aan ka helay magaalada Laascaanood ayaa waxay sheegayaan in qaar badan oo ka mid Garaadada beesha Dhulb.ahante iyo wafti ay hogaaminyaan ay dhowaan gaadhi doonaan madasha shirka dib u heshiisiintu uu uga socdo soomaalida duleedka magaalada Nairobi ee Mbagathi.

 

Wararkaas oo aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegayaan in Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ka mid ah garaadada sida aadka ah looga qadariyo gobolada SSH iyo wafti uu hogaaminayaa uu diyaar garoobay inuu tago Nairobi maalmaha inagu soo fool leh,waftiga la socda garaadka ayaa waxaa ka mid ah isimo ka soo jeeda gobolada Togdheer iyo Sanaag kuwaasoo iyagu meteli doona shacabkooda.Sidoo kale waxaa isna wararku sheegayaan in Garaad Saleebaan oo isna ah garaadada beesha *********** uu u sii jeedo dhinaca Nairobi,dhamaan waftiga ka baxaya Laascaanood oo ah wafti balaadhan ayaa sugaya diyaarad khaas ah oo ka qaadi doonta madaarka magaalada Laascaanood,diyaaradaas oo laga soo diri doono Nairobi,waxay soo qaadi doontaa odaydhaqameedyo badan oo ku kala firirsan meelo badan oo ka mid deegaamada soomaalida iyo waxgarad kaleba.

 

Tegitaanka ay Garaadadu tegeyaan madasha shirka ayaa waxay ka danbeysey casuumaad ay ka heleen gudiga shirka dib u heshiisiinta Soomaalida,iyadoo mid walba oo ka mid ah isimadaas loo diyaariyey Fisihii ay halkaa ku tegi lahaayeen,iyo weliba deegaanba.

 

Garaadada SSH ayaa ku kala qaybsamay xiligii ay colaadu ka bilaabatay Puntland sanadkii tegey,iyada oo qaar ka mid ah isimada ay siyaasad ahaan isaga hor yimaadeen Cabdillaahi Yuusuf,kadib markii uu xiligii xilka uu hayn lahaa ay ka dhamaatay,kadib shir lagu qabtay magaalada Garoowe lagu doortay Jaamac Cali Jaamac inuu bedelo Cabdillaahi Yuusuf,taasoo keentay inuu dhaco dagaal lagu hoobto oo markii danbe Cabdillaahi Yuusuf uu ku awood roonaado.Qaar kale oo ka mid Garaadada ayaa taageero kal iyo laab ah siiyey Cabdillaahi Yuusuf,iyagoo u arkayey in Cabdillaahi uu kaga haboon yahay Jaamac jagada madxweynaha Puntland.Hadaba su,aasha la is weydiinayaan waxay tahay isimada Puntland ee tegi doona madasha shirka iyo Cabdillaahi Yuusuf oo u sharaxan inuu noqdo madaxweynaha soomaaliya ma isla jaanqaadi doonaan mise waxaa bilaabmi doona halgan siyaasadeed oo u dhexeeya ismada iyo maamulka.

 

Laascaanood Online,Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this