Sign in to follow this  
General Duke

Report: Government troops moving towards Bali-doogle...Its begun

Recommended Posts

Ciidamada Dawlada oo Bali doogle qarka u saaraan.

 

 

Buur-hakaba:-Wararka hadda naga soo gaaraya degmada Buur-hakaba ayaa sheegaya in ciidanka dawlada FS ay saaka waaberigii la wareegeen degmada Buur hakaba oo awal gacanta ay ku hayeen maleeshiyo beeleedyo hoostaga midowga maxaakiimta.

 

Wararka ayaa sheegaya inaan wax dagaal ah oo weyni uusan dhicin malayshiyaadkaasina ay isaga careereen goobihii ay fadhiyeen ka dib markii ay arkeen ciidka ku soo wajahan.

 

Ciidanka Dawlada FS ayaa la sheegayaa inuu u sii socdo dhinaca Airpor weyn ee Bali doogle oo hadda la sheegay inay u jiraan 35 KM.

 

Dagaalkaan oo ayaantaan la hadal hayey ayaa laga cabsi qabaa inuu ku fido guud ahaan gobolada Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho, waxaana laga yaabaa in dagaalkani noqdo kii ugu adkaa oo intii muddo ah soo mara dalka Soomaaliya, marka laga eego dhinacyada iska soo horjeeda.

 

Wixii ka soo kordha kala soco Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I predicted Civil War II when Col Barre Hiiraale was thrown from his neutral position.

 

The whole political and military maneuverings of southern Somalia shifted.

 

p.s. It still doesn't work?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Uthman1   

What a munaafiqs Abdullahi and Gedi are for their lies and deception about there is no Ethiopean troops.

 

This is the best thing for the UIC, now they have all the rights to wage Jihad on this Munaafiqs along with their kaffir alies.

 

May Allah bring destruction to them and put fear in their hearts Ameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What about the Eritrians in Mogadishu, they have a special pass from you right?

 

Pathetic how only some people are Somali and others all Ethiopian...Its absolute clanistic nonsence to call a whole people.

 

Pretend to be more religious, and now pretend to be more Somali. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Uthman1   

General Duke those type of talk is over. Eritrea has been as a reaction to Ethiopean interference and unlike TFG, UIC is not a proxy of Eritrea.

 

But inshallah we will see, now that the air has been cleared about TFGs real position. Lets see how long they will hold on to their few territories.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ We shall see, unlike many here the blame is squarely on these courts.

 

Who attacked the juba;s and broke the agreement fof Khartoum?

 

Who tried to assasinate the old man?

Who makes idle threats dayly against Baidoa?

 

Give us a break people everyone has a right to self defence, the agressor no doubt will blame Ethiopia to motivate its support base.

 

Give us a break..

 

more on breaking news.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

This seems interesting.

 

Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowadda KMG ah oo la wareegay Buur-hakaba

 

 

Buurhkaba 09, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo ethiopian ah oo ay la socdaan kuwa dowladda Somalia ayaa isku gadaamay degmada Buur-hakaba oo horey u aheyd magaalo ka madax banaan dowladda iyo Maxkamadaha, iyadoo wararkii ugu dambeeyana ay sheegayaan in ay ka soo gudbeen deegaanka Buur-hakaba oo ay soo aadeen dhanka deegaanka Leego.

 

Ciidamada Ethiopianka ah ee soo galay gudaha magaalada Buur-hakaba, oo ay wehliyaan ciidamada taageersan dowladda Somalia ayaa kulamo ay la qaateen odayaasha buur Hakaba Ka dib waxa ay u soo ruuqaansadeen dhinaca deegaanka Qardho oo 20 u jira deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose.

 

Ilaa 5 baabuur oo kuwa Uralka ah ee ciidamada Ethiopia lagu yaqaan ayay indhoodu qabteen dad jooga magaalada Buur-hakaba oo codsaday in aan mahacyadooda la shaacin, waxaana dadkaasi oo qaarkood ku hanjabeen in ay la dagaalami doonaan ciidamada soo galaya deegaanadooda oo sabab u noqonaya isku dhacyo dhex mara Maxkamadaha iyo iyaga.

 

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Max'ed Cabdi Xuseen Owkaareey oo kulamo la qaatay saraakiisha hogamineysa ciidamada soo galay magaalada Buurhakaba ayaa shabelle u sheegay in aysan ku jirin kuwo Ethiopian ah, waxaana uu intaasi raaciyay in uu la kulmay Col. cabdi Madoobe iyo Col. Saciid Dheere oo hogaaminaya ciidamada dowladda oo ku hubeysan ilaa 30 baabuur oo kuwa dagaalka ah, waxaana uu sheegay in ay kala hadleen wax ka qabashada arimaha nabadgalyada wadada isku xirta Buur-hakaba iyo Baydhabo iyo kalsooni dhisid dhex marta dowladda iyo dadka magaalada Buur-hakaba sida uu yiri.

 

Owkaareey oo sheegay in uu yahay gudomiyaha sharciga ah ee magaalada Buurhakaba ayaa ku gacan seyray suurto galnimada in deegaanadaasi ay soo galeen ciidamo Ethiopian ah sida ay qabaan Maxkamadaha islaamka, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay taxadir in laga muujiyo arinkaasi.

 

Hasayeeshee waxaa jira walwal isi soo taraya oo la xiriira talaabooyinka xiga la wareegista degmada Buur-hakaba, oo muujineysa in ay markaan yimaadeen meelo ay isaga dhow yihiin falal keeni kara isku dhacyo dhex mara dowladda iyo Maxkamadaha oo sheegaya in ciidamo Ethiopian ah ay yimaadeen degmada Buurhkaba.

 

Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DFKMG oo la wareegay Degmada Buurhakaba

Last Updated::2006-10-09 13:34:19

 

ciidamada_dowlada3.jpg

 

Baydhabo:- Ciidamada DFKMG ayaa la sheegay in ay gebi ahaanba la wareegeen gacan ku heynta magaalada Buur Hakaba.

 

Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay magaalada ka saareen maleeshiyooyin Taageersan Maxkamadaha Muqdisho oo indhawaale ku sugnaa Buur Hakaba.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay dhinaca Bari uga gudbeen magaalada Buur hakaba halka ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamadaasi ay ku sugan yihiin deegaano ah nawaaxiga Magaalada Wanlaweyn ee kamid ah gobalka Sh/hoose.

 

Xaalada Magaalada Buur Hakaba ayaa hada degan ayadoo wararka soo gaaraya magaalada Baydhabo ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dhaq dhaqaaq milatari oo xoogleh.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigey deegaanka Buur hakabo

 

October 9, 2006 Markacadeey

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Deegaanka Buur hakaba oo ka tirsan gobolka Baay waxaa soo gaarey Ciidamo ka mid ah kuwii u xareysnaa dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, inkastoo warar aan si rasmi aheyn oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay gacan ka helayaan ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Wax dagaal ah kama dhicin wax dagaal ah oo ay isaga hor yimaadeen ciidamada qabsadey deegaanka Buurhakaba, iyada oo halkaasina ay dhowr jeer horey u tageen golaha maxaakiimta Soomaaliyeed ciidamo ay leeyihiin.

 

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaanka Buur hakaba oo aan la xiriiray ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada dowlada federaalka oo soo galaya magaalada oo kale, iyaga oo beeniyay in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay magaalada.

 

Hase yeeshee, golaha maxaakiimta iyo xubno ku dhow dhow ayaa bilaabey in ay durbadiiba eedeyn u jeediyaan dowlada Itoobiya iyo dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, iyaga oo ku eedeynaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo qabsadeen Buur hakaba.

 

Imaatinka ciidamada dowlada ee Buurhakaba ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayeen maalmihii la soo dhaafey warar sheegaya in maxaakiimta ay doonayaan in ay qabsadaan magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowlada.

 

Abuu Mansuur oo ka mid ah mas'uuliyiinta ugu sareysa golaha maxaakiimta ayaa sheegay in ay tagayaan magaalada Baydhabo, hase yeeshee ay socdaan wadahadalo ay ku doonayaan in ay Baydhabo ku tagaan.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this