Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaanka dhaqanka ee beesha Ayuub, aqoonyahanka iyo wax garadkuba waxa ay daboolka ka qaadeen in ay dhisayaan Cabdiraxmaan Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

img_3_1715598928511.webp

img_2_1715598900414.webp

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu Weheliyo Guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali X Xasan Iyo masuuliyiin kale ayaa kulan la yeeshay

Cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka beesha Ayuub oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Aamin Suldaan Faarax
Suldaanka Guud iyo Cuqaasha kaleba waxa ay carrabka ku adkeeyeen in ay dhisayaan Xisbiga iyo Musharraxaba, horena ay u barbar taagnaayeen tan iyo maalintii la aasaasay Xisbiga.

Kulankan ayaa lagu gorfeynayey sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka isku sidkan ee dhawaan dalkan ka qabsoomi doono, iyo sidii Beeshu doorkeedii mudakarka ahaa uga qaadan lahayd howlaha ololaha Doorashada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this