Sign in to follow this  
Deeq A.

Vladimir Putin oo Ku Dhawaaqay Inuu Bedelayo Mid Kamid ah Saaxibadii Ugu Dhawaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu beddelo wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen, sida ay Kremlin-ka ku dhawaaqay.

68-jirkan ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2012-kii, waxaana loo magacaabayaa xoghayaha golaha ammaanka ee Ruushka.

Waraaqo ay daabaceen aqalka sare ee baarlamaanka Ruushka ayaa lagu sheegay in Mr Shoigu lagu bedeli doono ra’iisul wasaare ku xigeenka Andrei Belousov.

Mr Shoigu ayaa door muhiim ah ka qaatay dagaalka Ruushka uu kula jiro Ukraine.

Warqadaha dowladda Ruushka ayaa muujinaya in Mr Putin uu doonayo in Mr Shoigu uu kala wareego Nikolai Patrushev oo ah golaha ammaanka ee awoodda badan. Ilaa hadda ma cadda waxa uu noqon doono xilka cusub ee Mr Patrushev.

Mr Shoigu waxa uu xidhiidh dhow la leeyahay madaxweyne Putin.

Injineer madaniga ah xirfad ahaan, Mr Shoigu wuxuu caan ku noqday madaxa xaaladaha degdegga ah iyo wasaaradda gargaarka musiibooyinka 1990-kii dhacay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this