Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Hoose ee Berbera ayaa dul dhigtay amarro cusub oo

Recommended Posts

Deeq A.   

ea6b11be-0f39-4a44-920f-25cc37946518.jpg

Dawladda Hoose ee Berbera ayaa dul dhigtay amarro cusub oo la xiriira dhar xirashada shaqaalaha xafiisyadeed, waxa ay mamnuucday dharka qaar oo ay shaqaaluhu u soo xiran jireen xafiisyadooda shaqada.

Amarkan ka soo baxay Maamulka Dawladda hoose ee Berbera ayaa lagu sheegay in haweenka Dawladda Hoose aanay shaqada ku iman karin cabaayadaha qaarkood iyo niqaabka, halka raggana laga mamnuucay in ay soo xirtaan saraawiisha ku dheggan.

Amarkan ka soo baxay Dawladda Hoose ee Berbera, oo uu ku saxeexnaa Madaxa maamulka Shaqaalaha ee Dawladda Hoose ee Berbera, Guuleed Maxamed Daahir ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqaalaha u hoggaansami waaya amarkan ay la kulmi doonaan ganaax iyo shaqo ka eryid.

Arrintan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay Somaliland, madaama oo ay tahay markii u horreysay ee qaabka dhar xirashada shaqaale xarun dawladdeed amar noocan oo kale ah lagasoo saaro lebiska shaqaalaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this