Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliye Sanbaloolshe oo kulamo xasaasi ah ka wada Beledweyne + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
2Z8A1686-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaas.

Taliyaha ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo kulanka ka hadlay ayaa Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga iyo garab istaaga dadka reer Hiiraan ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Dhinacyadii uu la kulmay Taliye Sanbaloolshe ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xooji doonaan doorkooda ciribtirka Khawaarijta, gaar ahaan deegaanada gobolka Hiiraan.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in 13-ka bishaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Qaban-qaabada munaasabadda caleema-saarka Ugaaska ayaa ka socota magaalada Beledweyne, waxaana halkaas isugu tegay Taliyaha NISA, Xildhibaanada beesha Xawaadle iyo duubabka dhaqanka beeshaas iyo beelaha kale ee deriska la ah.

2Z8A1683-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl2Z8A1676-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl2Z8A1665-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1686-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1688-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1689-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1692-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1693-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1694-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1697-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1704-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1706-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1718-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1725-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl 2Z8A1731-scaled.jpg?resize=696%2C464&ssl

 

The post Sawirro: Taliye Sanbaloolshe oo kulamo xasaasi ah ka wada Beledweyne + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this