Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Hey’adda NISA oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Xubnaha Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in lala dagaallamo Alshabaab.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan dagaalka Alshabaab.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in dhowaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this