Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Ka Qeygalay Kulan Looga Hadlayay Wadahadallada South Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qeyb ka ah kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda ee South Sudan oo ka socda Madaxtooyada Dalka Kenya, taas oo uu garwadeyn ka yahay Madaxwaynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hannaan nabadeed oo loo dhan yahay uu xal-waara u noqon karo xasilloonida Koonfurta Suudaan, taas oo haddii ay sii socoto saameyn ku yeelan karta nabadda guud ee dalalka geeska afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu soo afjaro colaadda Koonfurta Suudaan, waxuuna dhinacyada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaa xasilloonida dalka, wixii colaad ahna lagu dhammeeyo wada-hadal.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this