Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qabanaysa doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dhiman.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiiradda Puntland ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashooyinka qof cod ee degmooyinka Garoowe,Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Sadexdaan degmo oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa ka haray doorashadii goleyaasha deegaanka Puntland ee sanadkii hore ka dhacay Puntland.

Khilaaf u dhexeeyey siyaasiyiinta u ordayey kursiga madaxweynenimo ee Puntland iyo xukuumadii xiligaas ayaa sababay in degmooyinkaan laga hor istaagay in doorashadu ka qabsoonto.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii dib loo doortay sheegay inuu dhamaystirayo doorashada goleyaasha deegaanka Puntland, lana qabanayo doorashada degmooyinka dhiman.

Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada:

1. Amniga Guud

2. Saameynta ay geysteen Roobabkii ka da’ay Puntland, sida khasaaraha Naf iyo Maal  leh iyo burburka soo gaaray Waddooyinka.

3. Gurmadka dadka Roobabku saameeyeen.

4. Qorshaha Biyo- ka -saarka Gaalkacyo.

5. Kulankii Xisbiyada Siyaasadda Puntland iyo qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka harsan.

6. Iyo sida uu u socdo Ololaha daaweynta Xoolaha Puntland oo meel Wanaagsan maraya.

FB_IMG_1715269960411-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1715269962472.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715269965409.jpg?resize=720%2C43 FB_IMG_1715269968702.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715269975977.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST.

The post Puntland oo qabanaysa doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dhiman. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this