Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Sirdoonka soomaaliya oo soo bandhigtay shabakad Al-shabaab ah oo la soo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
438161051_927128546120419_46743796636746

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay howlgal ku soo qabatay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay in kooxdan ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen ‘dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baadda ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xilliyada habeenkii ah’.

Sida ay qortay warbaahinta dowladdu, howlgallada NISA ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.

“Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran” ayaa lagu yiri bayaan ku soo baxay warbaahinta dowladda.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Sirdoonka soomaaliya oo soo bandhigtay shabakad Al-shabaab ah oo la soo qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this