Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo weeraray maraakiib maraysay gacanka Cadan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa horraantii maanta sheegay inay weerar ku qaadeen labo markab oo ay la xiriiriyeen Israa’iil oo marayay gacanka Cadan iyo mid maraayay badweynta Hindiya.

Labada markab ee ganacsiga oo lagu kala magacaabo MSC Diego iyo MSC Gina , ayaa afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ay taageerto Iran wuxuu sheegay inay si sax ah ula beegsadeen gantaallo ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyahan lahayn. 

Si kastaba ha ahaatee, Xarunta Macluumaadka Badaha ee uu Maraykanku hoggaamiyo ayaa sheegtay in laba weerar oo gantaal ah ay dhaceen Talaadadii, waxaanay intaa ku dartay in aanay jirin wax markab ah oo waxyeello la gaarsiiyay, shaqaalihii la socdayna ay bad qabaan.

PUNTLAND POST.

The post Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo weeraray maraakiib maraysay gacanka Cadan. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this