Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Midoga Yurub Uga Mahadceliyay Taageerada ay Siiyaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Midowga Yurub ayaa kaga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjireyaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee Munaasabadda ka qayb galay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah, xor ka ah Argagixisada, isku filan isla markaana ay ka qabsoomaan doorashooyin Dimuquraaddi ah.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururrada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyagoo mashaariic kale duwan ka fuliya gobollada dalka iyo caasimadda, kuwaas oo shacabka soo kabashadooda ka qeybqaato oo intooda badan la xiriira arrimaha bulshada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this