Sign in to follow this  
Deeq A.

30 DAL oo Soomaaliya ku taageeray Murrashaxnimada guddoomiyaha Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxa Soomaaliya u taagan xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028

Wasiirka arrimaha dibbada ayaa sheegay in guul weyn ay u tahay Soomaaliya, maadaama ururka OIC ay xubno ka yihiin ku dhawaad 30 dal oo Afrikaan ah.

“Soomaaliya waxay aad uga mahad celineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ay ku jiraan ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda Afrika, sida ay u garteen oo ay u taageereen magacaabista Soomaaliya ee Fowsiya Yusuf Adam oo ah musharaxa Soomaaliya ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee 2025-2028.” Fiqi ayaa sidaas yidhi.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday olole ay ku dooneyso in wasiirkeedii hore ee arrimaha dibadda, Fowsiya Yusuf Adam, ay u noqoto guddoomiyaha soo socda ee AUC, taasoo ka dhigtay inay la tartanto hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

Fursadaha hoggaamiyaha mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga ee tartanka uu ugu jiro jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC), ayaa laga yaabaa in ay soo wajahdo dib u dhac ka dib markii ay korortay taageerada musharaxa Soomaaliya, Fowsiya Yusuf Adam.

Haddii ay Fowsiya ku guuleysato aqlabiyadda dalalka iskaashiga Islaamka waxay ku dhowdahay guul u soo hoyata Soomaaliya, marka loo eego in xubinnimada Midowga Afrika ay tahay 55 dal.

OIC waa isbahaysi ka kooban 57 waddan oo Islaamku kaalin mug leh ka qaato. Waddamadaas waxaa ka mid ah kuwa Islaamku yahay diinta dawladda, kuwa ay muslimiintu u badan yihiin, iyo qaar Muslimiintu ay yihiin dad laga tiro badan yahay, laakiin kaalin muuqata ku leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this