Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedada Kulan ay ka qayb-gelayaan weftiyo ka kala socda Somaliland, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo South Sudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Weftiga uu hogaamiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa gaadhay magaalo xuduudeedkaTog-wajaale, halkaas oo uu qabsoomi doono Kulankan muhiim ah oo ay ka qaybgelayaan weftiyo ka kala socda Jamhuuriyadda Somaliland, Dowladda Itoobiya, Kenya, Uganda iyo South Sudaan.

Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ka mid ah Wasiirka Horuumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Horuumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali, Wasiir Kuxigeenka Horuumarinta Gaadiid iyo Horuumarinta Jidadka Muuse Selef iyo Maamulka Gobolka Gebilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this