Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne kuxigeenka oo ku Dhaliilay reer Galbeedka in aanay Somaliland waxba la qaban

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne kuxigeenka oo ku Dhaliilay reer Galbeedka in aanay Somaliland waxba la qaban

Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in dunida reer galbeedka ee taageera dimuquraadiyaddu ay ku guul daraysteen inay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay ummadda Somaliland gaadhay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa farriin uu ku faafiyey barta X (Twitter) wuxuu ku iftiimiyey guulaha JSL gaadhay.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka Afrika ee keligood hirgaliyey kuna guulaystay dimuqraadiyadda, isagoo xusay in Somaliland ay qabsatay Shan doorasho oo ay laba ka mid ah ku guulaysteen Xisbiyo Mucaarad ahi.

Mudane Saylici wuxuu gabo gabadii qoraalkiisa ku sheegay in dalalka Reer Galbeedka ee buunbuuniya dimuqraadiyadu ay si weyn ugu guuldaraysteen in ay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay gaadhay Jamhuuriyada Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this