Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgalka Midowga Afrika oo Ballanqaaday Iney Ilaalin Doonaan Guulaha Amni ee Laga Gaaray Soomaaliya Ka Hor Bixitaankooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi heer sare ah oo ka socday guddiga Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyay booqashadooda qiimeynta Soomaaliya, iyagoo wacad ku maray inay ilaalinayaan guulihii adkaa ee laga gaaray xasilinta Soomaaliya, ka hor bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay madaxa qeybta howlgallada taageerada nabadda, Cheick Dembele, ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay in aysan jiri doonin fawdo amni, markii ay bisha December ka baxaan Soomaaliya howlgalka Midowga Afrika.

“Guddi saddex geesood ah, oo ka kooban ATMIS, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyo dowladda Soomaaliya, ayaa xaqiijin doona in si habsami leh loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada ammaanka Soomaaliya”ayuu yiri Cheick Dembele

Wafdiga ayaa la filayaa in ay u gudbiyaan warbixin qiimeyn iyo qorshe ah oo dhameystiran oo ay u gudbinayaan golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo qeexaya qaab-dhismeedka amniga ATMIS-ka kadib.

ATMIS ayaa soo gabagabeysay wajiyadii koowaad iyo labaad ee dhimista ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, waxaana ay 13 saldhig oo ciidan ku wareejisay ciidamada nabad sugida Soomaaliya.

4,000 oo askari oo dheeraad ah ayaa la filayaa in laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha June, ka hor inta aan la gaarin dhamaadka December, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2710, kaas oo la ansixiyay 2023.

Waxaa jira qorshayaal lagu dhisayo ciidan ka dambeeya ATMIS si ay gacan uga geystaan ilaalinta xarumaha istiraatiijiga ah ee dadka, xarumaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha muhiimka ah ee dawladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this