Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Xoogga Dalka oo Koonfur Galbeedka Ka Bilaabay Dardargelinta Dagaalka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Siloo dardargeliyo howlgallada ku saabsan dagaalka dhanka ah Al-shabaab ayaa taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle waxa uu gaaray Taliska Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta 60-aad ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay taliyaha qaybta 60-aad Gen Xasan isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo saraakiisha hoggaaminta ee taliska qaybta 60-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha la qaatay kulan hordhac ah ayaa faray muhiimadda dhamaystirka kooxda Alshabaab ee ku sugan aaga ay ka howlgalaan taliska qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, iyadoo maalmihi la soo dhaafay taliska qaybta 60-aad uu waday howlgallo ballaaran oo jab culus lagu gaarsiiyay Alshabaab, kuwaas oo lagu soo qab qabtay xubno ka tirsan kooxda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this