Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka oo soo kordhiyay Hantidhawrka Nidaamka Codbixiyeyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Komishanka oo soo kordhiyay Hantidhawrka Nidaamka Codbixiyeyaasha

Hargeysa(Qarannews)Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa markii ugu horraysay hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System).

KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah.

Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka JSL, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this