Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho Ku Daahfuray Mashruuca 9-aad ee Shirka u Qareemidda iyo Daryeelka Bulshada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daahfuray Shirka u Qareemidda Daryeelka Bulshada ee Mashruuca SAGAL oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu soo gudbiyey qiimeyn ku saabsan mashuurca SAGAL oo ah mashruuc Dowladdu hormuud ka tahay, oo laga hirgeliyey dhammaan dowlad gobolleedyada dalka, laguna caawinayo dadka nugul.

Wasiir Xasan oo bogaadiyay mashruuca, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo deeq-bixiyayaasha taageera mashruuca ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ka go’antahay in miisaaniyadda qeyb ka siiso arrimaha bulshada si loo dardar geliyo kobaca bulshada iyo horumarka dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this