Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Chad oo 40 Sano Kadib u Guureysa Nidaamka Dimuquraadiga, Xukunno Milatari Kdib

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadweynaha dalka Chad ayaa u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub taasoo noqon karta doorashadii ugu xiisaha badnayd ee dalkaasi ka dhacda muddo soddon sano ah, Chad ayaa hadda ka guureysa nidaamkii hore.

Codbixintan ayaa astaan ​​u noqon doonta soo afjarida u guuritaanka hannaanka dimuqraadiyadda ee ay ku dhaqaaqday xukuumadda milatariga ah ee talada haysa, taas oo ah mid hadda ku sii xoogaysanaysa Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.

khubarada qaar ayaa sheegaya in codbixintu ay tahay kaliya in si rasmi ah loo sii hayo awoodda milatariga, balse aysan ahayn mid xor ah maadaama uu dalkaasi xukun ciidan ku jiray in ku dhowaad 50.

Dalka Chad ayaa waxaa ka socday qalalaase iyo ismari waa siyaasadeed tan iyo sanadkii 2021-kii, xilligaas oo madaxweynaha ku meel gaarka ah noqday Mahamat Idriss Deby ka dib markii uu dhaawac soo gaaray u geeriyooday aabbihiis Idriss Deby oo in ka badan 30 sano xukunka hayay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this