Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa sababay muuqaalka dalka Griiga ee is bedelay

Recommended Posts

Deeq A.   

909f3900-0b5e-11ef-82e8-cd354766a224.png

Caasimada dalka Giriiga ee Athens ayaa noqotay midabka jaalle xigfeenka ah ee Oranjaha, kadib markii ay qarxeen daruuro boor ah oo ka soo kacayay dhinaca saxaraha.

Xaaladahan cimilada ayaa ka mid ah kuwii ugu xumaa ee ku dhuftay Giriiga tan iyo 2018-kii, sida ay sheegeen saraakiisha.

Daruuro hawo oo kuwan la mid ah ayaa ku dhuftay dalkan Yurub kamid ah bilihii Maarso iyo horraantii Abriil, waxayna sidoo kale qariyeen qaybo ka mid ah Switzerland iyo koonfurta Faransiiska.

Hay’adda saadaasha hawada ee Giriiga ayaa filaysay in hawada cirku ay si caadi ah kusoo noqon doonto fiidnimadii Arbacada, kadib markii boorka uu ka dhigay mid aan suurtogal ahayn in la arko qaar kamid ah dhismadf110280-0b5e-11ef-82e8-cd354766a224.pngyaasha caanka ah ee ku yaalla Athens isla subaxnimadii. Darruur boor ah ayaa qarisay qaybo badan oo Giriiga ah, ilaa magaalada Tesaloniika ee waqooyiga.

Maamulka Giriiga ayaa kula taliyay muwaadiniinta la ildaran dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira neefsashada in ay xaddidaan waqtiga ay ku qaadanayaan meel ka baxsan guryaha, iyo xijaa maskiga ama xirtaan waji-xirka, ayna ka fogaadaan jimicsiga jirka ilaa ay hawada boorka ahi ka baaba’ayso isla markaana ay hawadii caadiga ahayd kusoo noqoneyso dalka.

Hawada saxaraha ayaa waxa uu daadisaa inta u dhaxaysa 60 ilaa 200 milyan oo tan oo boor ah sanad wailba, inta badan siigadaasi waxa ay markiiba dib ugu soo dhacdaa dhulka, laakiin qaybo yar yar oo ka mid ah ayaa waxa ay aadi karaan ama u safri karaan masaafo aad u dheer, mararka qaarna waxa ay gaartaa qaybo kamid ah Yurubta kale

Isku darka boorka iyo heerkulka sare ayaa horseeday in jawigu uu noqdo mid ciriiri ah marka si gaar ah la eego koonfurta Giriigga.

Khabiir ku takhasusay saadaasha hawada oo lagu magacaabo Costas Lagovardos ayaa cimilada Giriiga barbar dhigay jawiga Mars.

Mars waa meeraha afraad ee ka yimaada qorraxda. Dusha sare ee Mars waa oranje-cas. Mars waxa ay ka mid tahay shayada ifaya cirka iyo dhulka.

Giriigga
Qoraalka sawirka,Cimilada iyo isbedelka ku yimid hawada

Talaadadii, ilaa 25 kaymo ah ayaa la sheegay in uu dab ka kacay. Mid ka mid ah dabka ayaa ku dhow saldhigga ciidamada badda ee jasiiradda Crete ee dalka Giriigga, halkaas oo heerkulku kor u dhaafay 30 darajo oo Celsius, waxaana la daadgureeyay dadkii ku sugnaa guryaha iyo xarumaha xanaanada, sida ay sheegayaan wararka maxalliga ah.

Daruuraha siigada ah ee ka imaanaya saxaraha maaha wax dhif ah oo ka dhaca Yurub, inkastoo heerka cufnaanta daruurahani ay kala duwan yihiin, laakiin waxay badanaa yimaadaan xilliyada gu’ga iyo dayrta.

Daruurahaan siigada ah ayaa inta badan degay saxaraha Liibiya, iyadoo ay la socoto hawo kulul, oo gaartay Giriiga, halkaasoo heerkulku uu sare u kacay bishii Abriil.

Jawiga gobolka bari ee Mediterranean-ka ayaa lagu arkayaa mowjado boor ah wakhtigan xaadirka ah, laakiin dhamaadka usbuucan, xaaladahani way gudbi doonaan waxaana la rajeynayaa in xaaladdu ay noqon doonto mid cad iyo heerkul ku dhow kuwii caadiga ahaa ee sanadka.

Xaalad tan lamid ah oo mar ka dhacday Hindiya

Hindiya

Caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa waxaa ka dhacday xaalad caafimaadka bulshada ah oo degdeg ah – iskuullada ayaa la xiray, dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, isbitaallada ayaa iyaguna qaabilay kumannaan qof oo dhibaatooyin neefsashada ah qaba.

Sababtuna waxay tahay hawada wasakheysan oo ah tii ugu darneyd dunida.

Balse inkastoo Delhi ay tahay tan ugu daran, haddana maaha tan keliya ee ku taalla waqooyiga Hindiya.

Shan ka mid ah lixda magaalo ee ugu hawada wasakheysan – Gurugram, Ghaziabad, Faridabad, Bhiwadi iyo Noida – ayaa ku yaalla meel 80km u jirta Delhi, oo ay hawadeedu noqotay tan ugu wasakheysan dunida.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this