Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Turkiga Uga Digtay Inuu Xeebaheeda Yimaado .

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland Oo Turkiga Uga Digtay Inuu Xeebaheeda Yimaado kana Hadashay Heshiiskii Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka hadlayay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, waxuuna Turkiga uga digay inuu yimaado xeebaha Somaliland.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso Soomaaliya-na ayna u talin, islamarkaana wax war-war ka qabin heshiiskaasi,” ayuu yidhi wasiirka oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.

Is-af-garadkan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.
Heshiiskan ayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.

Go’aankii ugu danbeeyay ee looga soo horjeedsaday heshiiskaas ayaa ahaa kalfadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta oo ay la leeyihiin Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu qabtay dalka Qatar.
Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud waxuu sheegay in uusan khusayn warsaxaafadeedka looga soo horjeedo heshiiskaasi, islamarkaana meel walba ay u galayaan raadinta aqoonsiga Somaliland.
“Nama khuseeyaan waxii [Shirkii] Dooxa kasoo baxay, qadiyadayaduna halkii bay taagantahay. Dalalkan carabta ee meesha isugu yimid ma’ay darsin qadiyadda Somaliland, ma’ay arkayaan xaqiiqadda Somaliland, waxa noo dan ah-na waa in nala aqoonsado meel walba oo ay nala tagtana waan galaynaa.”

Heemaal

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this