Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Nuuca Daroonis ah oo Ku Burburtay Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay tilmaamayso xogta laga helayo deegaanka kalcad oo ka tirsan Degmada Teleex ee gobolka Sool diyaarad nooca Drone-ka ah ayaa ku burburtay halkaa, kadib markii ay soo dhacday, ma cadda waxa ay qabanaysay.

Sawiro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burbur xooggan oo dagaandigta ka dhigay wax uu muuqda haraagii diyaaradda, islamarkaana ay dadka deegaanku ku xoonsanyihiin.

Diyaaraddan oo aan illaa hadda la ogayn dalka laga leeyahay iyo meesha ay ku socatay ayaanay weli ka hadlin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka kuneel gaarka ah ee SSC Khaatumo.

Ma ahan markii ugu horraysay ee diyaarad aan la garanayni ay ku soo dhacdo ka dibna ku burburto deegaan miyi ah oo dhulka Soomaalida ka tirsan, hore ayaana dhocdooyin cayn oo kale ah looga soo wariyay qaar kamida gobolada dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this