Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Saddex nin oo ku eedeysan dilka wiil arday ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo gacanta kusoo dhigey eedaysanayaLa ku eedeysan dil ay u geysteen muwaadin Soomaaliyeed .

Ciidanka qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay edeysanayaal horay dil ugu geystay marxuum Cabdullahi Cabdi Isaaq oo 18 jir arday ahaa kuwaas oo in mudda ah lagu raad-joogay


Eedeeysanayaasha ayaa ka koobnaa illaa saddax xubnood oo kala ah.

1- Cabdi Axmed Cadow ( maleeshiya)
2- Axmed Maxamed Raage (Qataatow) askari ka tirsan xoogga dalka
3- Farxaan Aadan Nuur (maleeshiyo)
Waxa ay ku eedeysan yihiin dil ka dhacay taariikhdu markeey ahayd 10-april-2024, abbaaro 11:45pm, habeenkii ciidul fidriga la sugayey degmada Deyniile gaar ahaan eeriya ceel-dacas oo u dhow deegaanka Garasbaaley.

Saddexdaan nin ayaa loo heystay in ay xabado ku fureen gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falkaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa.

Ciidanka booliiska gobolka Banaadir oo hawl- gallo kala duwan sameeyey ayaa waxaa u suurto gashay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa, waxaana saacadaha soo socda la horgeyndoo maxkamadda si loo marsiiyo cadaalada

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this