Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka Reer Gabiley ah ee diyaar u ah in uu igu qanciyo in #Kulmiye Gabiley wax u qabtay, in uu fagaare nagula doodo ayaan diyaar u nahay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirwac.jpeg

Ninka Reer Gabiley ah ee diyaar u ah in uu igu qanciyo in #Kulmiye Gabiley wax u qabtay, in uu fagaare nagula doodo ayaan diyaar u nahay.

Gabiley odayadeedu laba codsi oo ay Dawlada Kulmiye Iyo
@musebiihi
10 jeer waydiisteen, #Siilaanyo waydiisten, ololayaashii loo balan qaaday waa sadex arimood

1) Gobolnimada Gabiley , oo ka duwan gobolada kale ee dawladaha kulmiye ka dhigaan in ay Gabiley Isku qadiyad yihiin. Taasi waa balan qaad #Kulmiye laba doorasho qaaday oo uu ka baxay.

2) Odayada, iyo dadka reer Gabiley waxay
@Musebiixi
ka codsadeen in uu u dhiso dugsigii QALAX ee boarding ka ahaa. Dugsiga oo la mid ahaa Dugsiga Dayaxo Boarding School iyo Digsiga Amoud oo hada Jaamacad ah.

3) In Jaamacad weyn oo Cilmiga Beeraha lagu barto, oo aad loo maalgeliyo laga dhiso Gobolka. Sida School ka xanaanada xoolaha looga dhisay Sheekh.

Dawladii Siilaanyo waxay dhistay dusigii Dayaxo Boarding School, Dawladii Rayaale waxay taageero badan siisay Jaamacada Amoud, Dawlada #Muse #Biihi waxay odayada iyo dadka reer Gabiley u balan qaaday dhismaha DUGSIGII QALAX ee Boarding ka ahaa.

Sanad kasta odayadu way waydiin jireen wakhtiga la bilaabayo, loomana dhisin. Kumanaan caruur ah oo reer guuraa ama beeralay magaalada ka fog ay dhaleen baa Dugsiga wax ka baran lahaa.

#Kulmiye Gabiley wax uu Dawlad dhexe ahaan ugu qabtay balayga biyaha la xidhay iyo Madaxtooyada Madaxtooyada dhisatay baa jira!!

Codka Gabiley waa codka kala saara doorashada, KULMIYE laba jeer bay bilaash codka ku helay, mar sadexaad kuma helayo. Way cadahay!!

Awale.I.Shirwa.
@Awale11

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this