Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliy oo lagu taageeray mowqifkeeda ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture.png?resize=1000%2C524&ssl=1

Kal-fadhigii saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta iyo Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa Soomaaliya ku taageertay dadaallada ay ku doonayso inay ku ilaaliso’ madaxbannaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada.

Sida lagu sheegay bayaan ka kasoo baxay shirkan oo ka dhacay magaalada Doha, waxay caddeeyeen in Soomaaliya ‘xaq u leedahay inay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda’ sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, lana taageeray.

Madashan waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wasiirro uu ka mid ahaa wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Bayaankan oo ka koobnaa 16 bog ayaa lagu yiri “Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda qoraalkan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi iyo ciidan ah oo ka soo baxa, waxayna ku booriyeen dhammaan waddamada inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan.

Waxa ay sidoo kale diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iideystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga Carabta, marinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

PUNTLAND POST

The post Soomaaliy oo lagu taageeray mowqifkeeda ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this