Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab Khasaare u gaystay kaabayaash dhaqaalaha oo ka da’ay deegaanka Yaka-yaka ee gobolka Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Roobab xoog leh oo xalay ka da’ay deegaanka Yaka-yaka ee gobolka Karkaar ayaa wax yeelo gaarsiiyey kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wadada laamiga ah ee isku xirt gobolada Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku taggay deegaanka.

Mas’uuliyiinta oo kormeeray goobaha ay roobabku wax yeeleeyeen ayaa u kuur-galay xaalada dadka, deegaanka iyo dhibaatooyinka kale ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan wadada laamigga ah iyo buundooyinka.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka da’ay roobab lixaadleh lamana soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo sida meel qaar oo ay buundooyin jareen.

438098761_991219555693230_24816599483871 438098761_991219555693230_24816599483871 440986768_991220469026472_45383288345598 438170608_991219795693206_91755813913627 441046907_991220489026470_73436159762203 438170530_991219899026529_83459778401676

PUNTLAND POST

The post Roobab Khasaare u gaystay kaabayaash dhaqaalaha oo ka da’ay deegaanka Yaka-yaka ee gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this