Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta Ururka SOLJA.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa salaasada maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta ururka warbaahinta Somaliland ee (SOLJA) oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha ururkaasi Shaafici Maxamed Ibraahin.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud iyo dardargalinta iskaashiga ka dhexeeya Waaxda Garsoorka JSL iyo Ururka Warbaahinta ee SOLJA, ayaa ugu horayn waxa shirka ka hadlay Guddoomiyaha Ururkaasi Shaafici Maxamed Ibraahin waxaanu xusay ahmiyada ay leedahay xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Warbaahinta iyo Garsoorka oo ay ugu horayso Maxkamadda Sare. Waxaanu guddoomiyaha ka codsaday in Garsoorku ka qayb qaato qabyo-tirka xeerka warbaahinta isla markaana ka taageero tababarada lagu xoojinayo fahanka warbaahinta ee dhanka sharciga.

Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta ka socday ururka SOLJA, waxaanu hoosta ka xariiqay in ka Garsoor ahaan ay markasta Warbaahinta barbar taagan yihiin haddii ay tahay sare-u-qaadida cilmiga iyo haddii ay tahay geedi-socodka shaqo ee lama-huraanka ah.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa tibaaxay in ay muhiim tahay qabyo-tirka xeerka warbaahinta, waxaanu ku booriyay masuuliyiinta SOLJA in ay ka hawl-galaan oo ay kala shaqeeyaan Golaha Wakiillada iyo daneeyayaasha kale ee ay kamid tahay Wasaaradda Warfaafinta, si loo qabyo-tiro. Guddoomiyaha ayaa Warbaahinta ku amaanay doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan dhismaha waddanka, waxaanu ugu baaqay in ay ahmiyad gaar ah siiyaan barnaamijyada waxtarka leh ee dhisaya garaadka bulshadeena.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahin Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this