Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda New York oo weji cusub yeelatay, kadib markii Booliska uu galay Jaamacadda Columbia

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska magaalada New York ayaa galay Jaamacadda Columbia fiidnimadii salaasada, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaal taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba toddobaad ah.

Sawirro laga soo daayay telefishinada ayaa muujinayay booliiska oo galaya jaamacadda caanka ah ee Manhattan, taasoo ahayd barta ugu weyn ee mudaaharaadyada ardayda oo ku fiday tobannaan Jaamacadood oo ku yaalla Mareykanka.

Saraakiisha Jaamacadda Columbia ayaa horraantii salaasadii ku hanjabay in tacliinta laga eryi doono ardaydii la wareegtay Hamilton Hall.

Qabsashada ayaa bilaabatay habeen hore markii mudaaharaadayaashu ay jabiyeen daaqadaha oo ay qabsadeen Hamilton Hall, halkaas oo ay kusoo bandhigeen boodhadh ay ku qoran tahay “Hoolka Hind”, oo calaamad u ah dhismaha loogu magacdaray ilmo 6 jir ah oo Falastiini ah oo ay ciidamada Israa’iil ku dileen Gaza.

Duqa magaalada New York Eric Adams iyo saraakiisha booliiska magaalada shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in la wareegidda Hamilton Hall ay ka dambeeyaan “kacdoonno dibadda laga soo abuulay” kuwaas oo aan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Columbia.

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha ardayda mudaaharaadka oo la yidhaahdo Mahmoud Khalil, oo ah Falastiini wax ka barta machadka School of International and Public Affairs ee Jaamcadda Colombia oo ku jooga fiisaha ardaynimada, ayaa kahoryimid sheegashada ah in dad shisheeye ahi ay bilaabeen qabsashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this