Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo ka soo hor jeedsaday heshiiska dawladaha Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo dowladda Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiiskii is-afgarad ee ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.

Kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, iyadoo laga wada hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit

Kalfadhiga ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed oo ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah:-

1- Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

2- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii is-afgarad ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland.

3- Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this