Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo Caalamka Looga Dabaaldegayo, Wax Ka Ogow Soo Ifbixitaankeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Sannad kasta 1-da May, adduunku wuxuu isugu yimaadaa si loogu dabaaldego maalinta shaqaalaha adduunka, oo ay Qaramada Midoobay u asteysay in dunida looga dabaaldego , ujeedka ayaa ahaa in lagu maamuuso wax-qabadka dadka shaqeeya ee warshad kasta iyo xarumaha kale duwan ee shirkadaha.

Asalka Maalinta Shaqaalaha Caalamiga ah waxaa laga heli karaa ilaa dhammaadkii qarnigii 19-aad ee dhaqdhaqaaqa shaqaalaha ee Maraykanka, xilligaas oo ay dalbadeen in ay helaan maalin u gaar ah si ay u wadaqeybsadaan farxadooda, shirkadahana ay fasaxaan dhammaan shaqalaha si ay nasiino u helaan.

Taariikhda gaarka ah ee 1-da May  waxaa loo doortay in lagu xuso shaqo joojin dalka oo dhan ah maalin shaqo oo siddeed saacadood ah oo bilaabatay maalintaas 1-dii May 1886kii, Dhacdadiisii ​​muhiimka ah si kastaba ha ahaatee, waxay ku dhammaatay arrinta Haymarket ee Chicago, Mareykanka ayaa isla qaatay.

Mid ka mid ah dhacdo muhiim ah oo ka mid ah taariikhda Maalinta Shaqaalaha ayaa ka dhacday Chicago oo Mareykanka ah, kadib markii shaqaalaha oo mudahaad dhigayay sinabad ah si ay u helaan maalintaan uu rabshado isku badelay kadib markii uu qarxay Bambaano, waxaana ka dhashay khasaare  kale duwan.

In kasta oo ay jireen dadaallo hore oo lagu doonayay in fasaxa Maraykanku uu ku soo beegmayo maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha, haddana waxa ay sii ahaan jirtay mid ka baxsan Australia, Canada, Japan iyo New Zeland, taariikhda Maalinta Shaqaalaha waxaa loo dejiyay Isniintii ugu horreysay Sebtembar 1894.

Marka la joogo Yurub Dhaqan ahaan, 1-da May waa maalinta dabbaaldegga gu’ga Yurub ee Maalintaasi, iyadoo la aqoonsaday Sannadkii 1889kii, sedex sano kadib, 1886-dii Mareykanku ku dhawaaqay, tan iyo markaas shaqaalaha dunida ayaa la kulmayay guulo iyo sidoo kale tacadiyo ka dhan ah xuquuqdooda.

Marka la joogo Afrika waxaa inta badan laga xusaa siweyn loo weyneyaa malaintaan, walow South Afrika sanadkii 1950-kii ay aheyd markii la aqoonasaday hirgelinta maalintaan, waxaana dalalka Marocco, Libiya Kenya, Uganda iyo Somalia lagu amaanay dadaallada joogtada ay galiyaan shaqaalaha iyo maamuuskaba.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this