Sign in to follow this  
Deeq A.

Foolkaano Ka Qaraxday Indonesia oo Lagu La’yahay 15 Ruux, Halka Gurmad uu Socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku naf waayeen, halka kumanaan kun oo kale laga daad gureeyay foolkaano ka qaraxday jasiiradda Ruang oo ka tirsan gobolka Sulawesi ee dalka Indonesia.

Sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyo dhowr ah oo halkaa tagi lahaa, ayadoo kooxaha gurmadka degdega ihi ay ku howlanyihiin Sama-tabixinta iyo daad guraynta dadka ay waxyeeladu gaartay.

Muqaal ay baahisay hay’adda ka hortagga masiibooyinka ee Indonesia (BNPB) ayaa muujinaya hillaac ka kacayay godka ku yaalla jasiiradda iyadoo dambaaburo gudguudan iyo dhagxaan dab ihina ka duulayso.

Hay’addu waxay sheegtay in dhammaan degganaa Jaziirada Ruang oo ay foolkaanadu ka dhacday, loo raray Manado, oo ah caasimadda gobolka Sulawesi.

Rosalin Salindeho, oo ah 95 jir degan jasiiradda Tagulandang, ayaa sheegtay in cabsi ba’ani ay soo wajahday markii Ruang uu ka qarxay foolkaanuhu, waxayna tiri “waxay ahayd wax laga naxo, Waxaa da’ay roobab, Midka labaad runtii aad buu u cuslaa, xataa guryihii fogaa waa ay garaacmeen”.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Indonesia (BMKG) ayaa subaxnimadii Arbacada soo bandhigtay khariidad muujinaysa dambaska foolkaanaha oo gaadhay ilaa Borneo oo ah jasiiradda Indonesia ay wadaagto dalalka Brunei iyo Malaysia.

Qaraxa foolkaanaha ayaan ku cusbayn dalka Indonesia, bishii December ee sanadkii tagey ayayna ahayd goortii uu foolkaanu khasaare badan dhaliyay ka qarxay gobolka mount murapi ee dalkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this