Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda Turkiga oo Muqdisho Soo Gaaray iyo Wasiir Xasan oo Soo Dhoweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Turkiga Mudane Niyazi ACAR iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka ku yimid casuumaad uu wasiirku u fidiyay.

Soo dhaweynta wafdigaan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Turkiga.

Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Turkiga Mudane Niyazi ACAR ayaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS uga mahadceliyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.

Wasiir Xasan Macallin iyo Wasiir Niyazi ACAR ayaa inta wafdigu uu Muqdisho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada hadlayaan ajandayaal badan oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka arrimaha caddaaladda iyo garsoorka ee labada dal.

Booqashada rasmiga ah ee wafdigaan ayaa timid kadib safarro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tagay dalka Turkiga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this