Sign in to follow this  
Deeq A.

Suuqyada Crypto oo Lumiyay $200 Bilyan 36-kii Saac ee Lasoo dhaafay, Waa Maxay Sababta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladaha suuqa crypto currencies ayaa maanta aad u xun ka dib markii Bitcoin oo ah hormuudka lacagahaasi ay sameysay hoos dhac aan laga fileyn taasoo sababtay in dhammaan ay hoos u dhacaan lacagaha kale ee xiriirka la leh.

Bitcoin ayaa hadda mareysa $57,000 oo dollar, Altcoins-yada kale ayaa raacay hoos u dhaca wadarta guud suuqa ayaa khasaaray wax ka badan $200 bilyan 36-kii saac ee la soo dhaafay.

Waxaa muuqatay in qiimaha bitcoin uu ku sii jeeday $ 65,000 subaxnimadii Isniinta laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu ka gudbo heerkaas, taasoo keentay hoos dhaca xowliga ah.

Guddiga Suuqa Furan ee Fedaraalka ee Mareykanka (FOMC) ayaa go’aan ka gaari doona siyaasadda lacagta Mareykanka maanta.

Guddoomiyaha Fed Jerome Powell ayaa ku dhawaaqi doona go’aanka lagu dhimayo ama kor loogu qaadayo heerka dulsaarka. Waana sababta keentay in uu hoos dhac weyn uu sameeyaan Suuqyada cryptocurrencies.

Bitcoin ayaa hoos sii socotay tan iyo bishii April ee sanadkaan. Khuburada dhanka cryptocurrencies ayaa aaminsan in ay gaari karto $52,000 ilaa $48,500 haddii uusan isbedel ku imaan go,aanka guddiga FOMC.

Todobaadyadii lasoo dhaafay dad badan Soomaaliyeed ayaa ku biiray lacagahaan xilli aysan baaris badan ku sameyn khatarta kasoo gaari karta hantidooda.

Bishii March bitcoin oo ah hormuudka lacagaha cryptocurrencies ayaa gaartay $ 73,000 taasoo ku dhiirigalisay in dad badan ay maalgashtaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this